Khamiis, December 22, 2011 (HOL) − Ciyaartoygii ugu horeeyey ee Tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland goolkiic ugu horaysay dhaliyey ayaa shirkada xawaaladda Dahabshiil guddoonsiiyey abaal marin gaadhi ah.
Ciyaaryahan Maxamuud Cabdi Xasan (Gofindha) ayaa noqday ciyaartoygii ugu horeeyey ee gool ka dhaliya tartankii ciyaaraha ee ku qabsoomay xarunta gobolka Togdheer ee magaladda Burco.
Ciyaartooygan Maxamuud Cabdi Xasan ayaa kubadda cagta u ciyaarayey gobolka Maroodi jeex, waxaanay shirkadda Dahabshiil ku abaalmarisay baabuur cusub oo ay ugu talogashay, kaas oo huteelka Kaah uu ku guddoonsiiyey Madaxa xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Dahabshiil Mr. Xasan Maxamed Jaamac (Xiis) iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday laamaha DAHABSHIIL GROUP oo ka qaybgalay soo dhoweyn aad u ballaadhan oo shacabka reer Hargeysa ku qaabileen kooxaha xulka Gobolka Maroodi-jeex oo ku soo laabtay shalay galinkii dambe magaaladda Hargeysa.
Madaxa xidhiidka dadweynaha ee shirkadda Dahabshiil Xasan Xiis ayaa hadal kooban ka soo jeediyey munaasibaddan gaadhiga lagu guddoonsiinayey ciyaaryahan Maxamuud Cabdi Xasan Gofindha, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa "Maanta waxa noo farxad ah inaannu hadiyadan siinno ciyaaryahannada Gobolka Maroodi-jeex oo dhan, gaar ahaan ciyaaryahanka dhaliyey goolkii ugu horreeyey ee lagu furay tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland, sidoo kalena waxaannu shir ahaan hambalyeynaynaa guulaha Gobolka Maroodi-jeex ka soo hooyey tartankaas," ayuu yiri.
Ciyaaryahan Maxamuud Gofindha, ayaa u mahadnaqay shirkadda Dahabshiil Group, "waxaan u mahadnaqayaa shirkadaha Dahabshiil Group iyo cid kastoo gacan ka geystay hirgelinta tartankii ciyaaraha gobollada Somaliland. Mar labad waxaan shirkadda Dahabshiil ka raalligelinayaa isfahmi-waa na soo kala dhexgalay oo ku saabsanaa gaadhigan aan maanta ka guddoomay" ayuu yidhi Gofindha
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay tobobaraha gobolka Maroodi jeeex Diridhaba waxaanu u mahadnaqay shirkada Dahabshiil oo uu ku tilmaamay talaabadan mid dhiirigalin u ah ciyaaroyga .
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland