Arbaco, December 21, 2011 (HOL) − Guddida Horumarinta Cisbitaalka Hargeysa iyo Agaasimaha cisbitaalka ayaa maanta si wada jir ah dadweynaha ugu baaqay inay gacan weyn ka geystaan waxtarka iyo caawimada cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.
Guddoomiyaha Guddida Caafimaadka ee Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Hargeysa Dr:Aadan Yuusuf Abokor, ayaa sheegay in cisbitaalku u baahan yahay waxtar balaadhan oo dhinacwlaba leh, maadaama oo dadweynuhu intooda badan caafimaad ahaan u tago dhakhaatiir dibadeed, iyadoo la heli karo dhakhtar gudaha ah, haddii la hagaajiyo, isla markaana loo baahan yahay in la taageero cisbitaalka si lacagta dalka ka baxaysa loo joojin lahaa.
‘Dadkeenu barigii hore waxtar weyn bay u lahaayeen cisbitaalka oo way ka war hayeen, balse imika sidii dalka dib loogu soo noqday una baahnaa waxtar intii hore ka balaadhan way ka gaabiyeen, marka waxaanu dadweynaha reer Somaliland guddo iyo dibadba ka codsanaynaa inay cisbitaalka soo caawiyeen" ayuu yidhi Guddoomiyaha guddida horumarinta cisbitaalka Hargeysa, Dr: Abokor.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha guddida maamul wanaaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ahna xubin ka mid ah guddida cisbitaalka, ayaa sheegay in cisbitaalku u baahan yahay in dadweynuhu taageeraan, isla markaana qofkasta oo wax ka geysan kara la caawiyo maadaama oo baahida cisbitaalku aad u balaadhan yahay.
Faadumo Cabdi Kaahin, agaasimaha cisbitaalka magaaladda Hargeysa, ayaa iyaduna ka warbixisay baahiyaha cisbitaalku u baahan yahay iyo mudadii ay joogtay waxyaaliyihii u qabsoomay
Agaasimuhu waxay sheegtay inay waadhadhkii cisbitaalka ay hagajiyeen, shaybaadhkii iyo qalab cusub iyo sariiro cusub ay ku soo kordhisay, isla markaana ay hadda waddo inay kiciso mishiinkii Kalyaha sifaynayey oo cisbitaalka muddo yaalay.
Agaasime Faadumo waxay sheegtay inay adeegii cisbitaalka ay wanaaajisay, isla markaana ay kor u qaaday hawlihii cisbitaalka looga baahdo.
"Isbitaalka adeegiisii waanu wanaajinay, wax weyna waanu u qabanay, marka baahida cisbitaalku waa mid balaadhan,sidaa darteed, waxaanu doonayna in dadweynaha dibad iyo gudaba meesha ay doonaan ha joogaane, kii Maal noogu deeqa iyo kii xoog noogu deeqayaba mid walba waanu u baahanahay" ayey tidhi Faadumo, agaasimaha cisbitaalka magaaladda Hargeysa.
Guddidan ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku horumarinayaan, isla markaana ay doonayaan sidii cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa u noqon lahaa mid dadweynaha adeegyo caafimaad oo kala duwan u qaban lahaa.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland