Madaxweynaha Galmudug oo Bandow kusoo rogay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Arbaco, December 21, 2011 (HOL) − Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa sheegay maanta in laga billaabo caawa ay bandow tahay Koonfurta Gaalkacyo oo uu maamulkiisu ka taliyo, isagoo amar ku bixiyay in sharciga la marsiiyo qof walba oo la arko isagoo socda xilliga habeenkii ah.

Madaxweyne Caalin ayaa amar ku siiyay ciidamada Galmudug inay la dagaalamaan qof walba oo wata hub, wuxuuna ka digay in hub lagu dhexqaato gudaha degmada isagoo sheegay inay jiraan kuwo loosoo diray inay ammaanka qal-qal geliyaan.

"Waxaaa jira kuwo loosoo diray inay ammaanka Galmudug qalqal-geliyaan waana in kuwaas laga hortago," ayuu yiri Col. Caalin. "Looma dulqaadan karo in hub lagu dhex-qaato magaalada waana in laga hortago kuwa hubka sita."

Lama sheegin muddada uu soconayo bandowga uu madaxweynaha Galmudug kusoo rogay xarunta maamulkaas ee Koonfurta Gaalkacyo, balse wuxuu sheegay in looga hortagayo ammaanka Galmudug oo faraha ka baxa.

Hadalka madaxweynaha Galmudug ayaa imaanayaa isagoo maalin ka hor sheegay inuu kala diray xubnihii golaha baarlamaanka, isagoo ku eedeeyay xildhibaannada xil gudasho la'aan inay xukuumadda fursad u siin waayeen inay shaqeyso.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shirkiisa jaraa'id kaddib ka dhoofay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Galmudug iyagoo kusii jeeda Garoowe oo uu ka dhacayo wajiga labaad ee shirka wadatashiga dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya