Wajigii labaad ee shirka Wadatashiga Dhinacyada Soomaalida oo ka furmaya Garoowe iyo AMISOM oo ilaalinaysa


Arbaco, December 21, 2011 (HOL) − Wajigii labaad shirka wadatashiga dhinacyada Soomaalida ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaasoo ay ku sugan yihiin xubnihii dhinacyada ka qaybgalaya shirka ku matalaya.

Ciidammo ka tirsan AMISOM oo la geeyay halkaas ayaa adkeeyay amaanka goobta uu shirku ka dhacayo oo ah xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe, sidoo kale waxaa la yareeyay soc-socodka halka uu shirku ka dhacayo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, xubno ka socda Qarammada Midoobay iyo maamullada Galmudug iyo Ahlusunna ayaa shirkaas ka qaybgalaya.

Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa inuu shirka furo, iyadoo kulanka oo socon doona saddex maalmood ayaa looga hadli doonaa heshiiska Roadmap-ka oo lagu gaaray shirkii Muqdisho, kaasoo qodobbadiisu ay yihiin sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah.

Qodobka diyaarinta dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa ah midka sida aadka ah diiradda loo saarayo maalmaha uu socdo shirka, waxaana qodobbada shirkan kasoo baxa lagu dabaqi doonaa ka gudbidda xilliga KMG ah iyo u gudbka dowlad joogto ah.

Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay xafiiska Qarammada Midoobay dhinaca siyaasadda u qaabilsan Soomaaliya ee UNPOS, iyadoo Xarakada Al-shabaab ay ku hanjabtay inay beegsan doonto shirkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya