Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo booqday xero qaxooti oo ay dhibaato ka geysteen Ciidamada Dowladda


Jimco, 05 August 2011(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa booqday xero ay dad qaxooti ah ku jiraan oo ku taalla degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, taasi oo maanta  ay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya dhibaato ka geysteen.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dhacdo maanta ka dhacday xerada badbaado ee magaalada Muqdisho oo ay ku nool yihiin dad qaxooti ah, taasi oo ahayd in la boobay raashin dad tabaaleysan loo waday, lana dhibaateeyay.

HALKAN KA DHEGEYSO
HADALKA RA'IISAL WASAARAHA

”Arrintan guddi ayaan u saarnay soo baara sidii ay wax u dhaceen, waxaana marka uu guddiga warbixinta noo soo gudbiyo aan maxkamad soo taagi doonnaa Askartii falkaas ka dambeeyay, ciqaab adagna la marsiin doono”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cabdiweli oo sheegay in la soo celiyay raashinkii ciidamada ay boobeen.

Ra’iisal Wasaaraha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in wax ka bedel lagu sameeynayo maamulka iyo ammaanka xerada qaxootiga badabaado oo markeedii hore ay dowladda Soomaaliya aas aastay, iyadoo loo saaray guddi maamul iyo ciidamo isugu jira.

Xerada Badbaado oo ay ku jiraan dad qaxooti ah ayaa waxaa maanta ka dhacday dhacdo xanuun badan, taasi oo ahayd in ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay rasaaseeyeen dad xeradaas ku jira, ayna halkaas ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ay ciidamadii falkaas geystay ay boobeen raashinkii dadkaas tabaaleysan loo waday.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]