
Jimco, Ogoosto 05, 2011 (HOL) – Hay'adda Miski Relief Foundation oo Muqdisho ka howlgasha ayaa maanta oo Jimco ah u qaybisay gargaar lacag gaaraysa 10,000 oo Dollar oo ay soo dhiibeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada stavanger ee dalka Norway barakacayaal ku jira saddex kaam oo ku yaalla siligga Mareykanka.
Barakacayaashan oo ahaa kuwii ugu dambeeyay ee ka yimaada gobollada Bay iyo Bakool ayaa 450-qoys oo ka mid ah deeqda lacageed ka faa'iideystay, iyadoo qoys walba la siiyay 600,000 oo shiling Soomaali ah taasoo u dhiganta 20-dollar.
"Waxaan ku noolayn lacago aan ka tuugsano shacabka, taasoo aan nagu filnayn," ayay tiri Xabiibo Cabdulle oo ka mid ahayd dadkii ka faa'iideystay deeqda lacageed oo saxaafadda la hadashay intii qaybta gargaarka lagu jiray.
Haweeneydan waxay sheegtay inaysan haysan musqulo iyo guryo, ayna ku nool yihiin guryo aad u jilicsan oo aan biyaha roobka iyo qorraxda ka celinayn, iyadoo codsatay in lala soo gaaro baco ay guryo ka sameystaan loona dhiso musqulo, ay galaan, waxayna u mahadcelisay jaaliyadda Soomaaliyeed ee soo ururiyay deeqda lacageed ee loo qaybiyay.
Dadka gargaarka loo qaybiyay ayaa waxay isugu jireen haween, caruur iyo dad waayeel ah, kuwaasoo ay ka muuqdeen xaalado nololeed oo aad u daran, iyadoo gargaarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay helaan.
Madaxa Miski Relief Foundation Ibaahim Macallin Maxamed oo la hadlay HOL ayaa sheegay in gargaarkan ay jameecada masjidka Al-Nuur kasoo ururiyeen Soomaalida ku nool magaalada Stavanger ee dalka Norway, iyagana loo wakiishay inay dadka u baahan gaarsiiyaan.
"Waxaan ugu horreyn u mahadcelinayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee deeqda soo dhiibay, marka xigana waxaan caddeynaynaa in kaamamka ay ku jiraan dadka aan gargaarka u qaybinnay aan ku aragnay xaalado aad u daran, sida dadka oo ku nool guryo aad u jilicsan, sidoo kalena aan haysan musuqulo," ayuu yiri Ibraahim Macallin oo intaas ku daray inuu ka codsanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed inay caawiyaan walaalahooda dhibaateysan ee ku nool Muqdisho iyo daafaheeda.
Ugu dambeyn, Ibraahim wuxuu sheegay in dadku ay u baahan yihiin baco ay ka galaan roobabka, maadaama ay ku nool yihiin guryo aad u jilicsan, sidoo kalena ay baahi weyn u qabaan musqulo ay galaan.
Gargaarka lacageed ee ay ku deeqeen Soomaalida ku nool dalka Norway ayaa wuxuu imaanayaa xilli maalin ka hor ay Qarammada Midoobay sheegtay in saddex deegaan oo cusub oo ay Muqdisho ka mid tahay ay ku baahday abaarta ka jirta Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya