Burcad Dhibaato Ba’an ku heysa Dadka Qaxootiga ah ee ku Qulqulaya Xerooyinka Qaxootaga ee Dalka Kenya

Jimco, Ogoosto 05, 2011 (HOL) Iyadoo ay maalin ka gudbaan xuduuda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya ee dhinaca Jubooyinka boqollaal dad Soomaali qaxooti ah ayaa waxa isa soo tareysay dhibaatada iyo waxyeelada ay dadkaasi u geystaan burcad ka qowleysata xuduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya.

Burcadan oo in mudo ahba ka qaraaban jirtay xuduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa mudooyinkan danbe waxay ay bilaabeen dhibaatooyin ka daran kuwii hore oo ay kamid yihiin Jirdil iyo Kufsi ay u geysanayaan haweenka dhibaateysan ee beegsanaya xerooyinka qaxootiga.

Qaar katirsan dadka Qaxootiga ah ee ku sugan xerada Xagardheer ayaa HOL u xaqiijiyay in ay isa soo tarayaan dhibaatooyinka ay burcada u geystaan dadka Qaxootiga ah, iyagoona sheegay in ay dadka ka qaataan dhamaanba waxa ay wataan, sidoo kalena ay kufsi kula dhaqaaqaan haweenka.

Ciidmada Dowladda KMG ah ee ku sugan dhoobleey iyo Askarta ilaalada Xuduuda Kenya ayaa iyagu dadaal ugu jira sidii burcadaasi looga ciribtiri lahaa xuduuda u dhexeysa labada dal iyadoona ay jiraan qaar badan oo kamid ah burcadaasi oo ay gacan ku dhigeen Millitariga dalka Kenya kuwaa oo loo taxaabay Xabsiyo kala duwan.

Dhibaatooyinka ay burcadda ku hayaan dadka qaxootiga ee ka gudbaya xuduuda Kenya ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaalada Dhoobley maalin walba soo gaaraan qoysas tiro badan oo beegsanaya xerooyinka Qaxootiga ee Dhadhaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya