Jimco, Ogoosto 05, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay dhammaantood RABBI u towbad celiyaan si looga baxo dhibaatada lagu jiro, wuxuuna hadalkan ka sheegay hadal uu ka jeediyay salaaddii Jimce kaddib masjid ku yaalla gudaha Villa Somalia.
![]() |
|
Madaxweynaha Somalia - Sheekh Shariif Sheekh Axmed- Sawir hore |
"Colaad, abaaro iyo nabadgalyo xumo labaatan socda wax la arkay ma ahan mana fududa, waxaana ku tilmaami karaa ciqaab ALLE. Marka waa in laga towbad celiyo dambiyada la galay loona laabto Alle oo diyaar u ah inuu cafiyo addoomadiisa u towbad celiya," ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed ay ku jirto ALLE loo laabto, isagoo ku baaqay in qof walba uu baryada RABBI badiyo isla markaana ogaado inuu EEBBE u baahan yahay.
"Rasuulka iyo saxaabadiisu waxay aad uga faa'iideysan jireen bisha Ramadaan, qof walba waxaa loo baahan yahay inuu fursadaha soo mara uu ka faa'iideysto, waayo qofna ma oga xilliga uu dunida ka tagayo," ayuu yiri Sheekh Shariif.
Ugu dabmeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu EEBBE ka baryay inuu dhibaatada ka dul-qaado shacabka Soomaaliyeed uuna dib u soo celiyo nabaddi iyo kala-dambeyntii hore u jirtay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
