Jimco, Ogoosto 05, 2011 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday Xarakada Al-shabaab inay wadooyinka u furaan hay'adaha gargaarka si ay dadka ku dhibaateysan gobollada ay ka taliyaan loo gaarsiiyo mucaawinooyinka.
![]() |
|
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka - Hillery Clinton - Sawir Hore |
"Waxaa musiibo laga xumaado ah in iyadoo lagu gudo jiro bisha Ramadaan ay Al-shabaab gargaarka ka hor-istaagto shacabka nugul ee Soomaaliyeed, gaar ahaan caruurta iyo haweenka," ayay tiri Clinton.
Mss. Clinton waxay sheegtay in Mareykanka uu u fasaxay hay'adaha gargaarka inay caawiyaan dadka ku dhibaateysan gobolllada ay Xarrakatul Shabaab ka taliso, isla makaana aysan la kulmin doonin hay'addii gargaar geysa ciqaab sida ku xusan sharci uu Mareykanku horay ugu soo rogay hay'adaha caalamiga ah ee gargaarka.
"Waxaan ugu yeeraynaa Al-shabaab inay shaqaalaha hay'adaha gargaarka nabad-geliyaan una ogolaadaan inay caawiyaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobollada ay ka taliyaan," ayay hadalkeeda raacisay.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka waxay sheegtay inay la socoto in Al-shabaab ay afduubaan mas'uuliyiinta hay'adaha gargaarka ayna lacago fara badan ka qaataan, iyadoo sheegtay inay ogtahay in arrintaas ay tahay mid xun oo dhib badan.
Hadalka dowladda Mareykanka ayaa imaanaya iyadoo la sheegay in macluusha ka jirata Soomaaliya ay ku fiday deegaanno cusub oo ay ka mid yihiin deegaannada loo barakacay, Muqdisho iyo gobolka Shabeellada dhexe.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
