Somalida Degan dalka Sweden oo gacan weyn ka geysatay gargaarka abaaraha


Jimco, 05 August 2011 (HOL):
Ururka Aayo Develpment foundation (ADF) oo ka wakiil ah qaar ka mid ah maasaajidyada , ururada iyo ganacsatada Reer Sweden oo barnaamij raashin qaybin ah ka sameeyay gobolada Bakol, Bandir iyo Gedo.

ADF oo ka wakiil ah ururada kala ah SEUKI, Islamiska förbundet i Järva, Somaliska riks förbundet, Ururka walidiinta iyo macalimiinta Somaaliyeed ee xafadda Tensta iyo ururka Nabadda iyo Xorumarinta Somaliyeed ayaa waxaa uu deeq raashin ah gaarsiyay dadka ku nool magalooyinka Xudur, Muqdisho iyo Bardheere ee gobolada Bakol, Banadir iyo Gedo.

Lacagta ugu badan ee barnaamijkan ayaa waxaa laga soo aruuriyay Somaalida ka soo qaybgashay caayaaraha kubadda cacagta ee sanad waliba lagu qabto caasimadda dalka Sweden ee Stockholm xiliga xagaaga.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee uu rurka ADF  uu howl gargaar bani´adanimo  ka fuliyo gudaha dalka Somaaliya ayada oo bishii Marso ee la soo dhafay uu ka fuliyay biyo dhaamin gobolada Galgaduud, Hiran, Sool, Mudug, Bakol iyo Gedo isaga oo wakiil ka ah ururada aan kor ku soo sheegnay.

Ururka ADF waxaa uu si gaar ah mahad ugu celinayaa Ururka  Islamiska Förbundet i Järva oo mar waliba u taagan tageeridda Umadda Somaaliyeed isla markaana dhaqaalo ka aruuriyay masajidka ay ayaga maamuleen ee ku yaalo folketshus-ka Rinkeby ayaga oo sadex jimco oo isku xigga ka aruuriyay dadka muslimiinta ah ku tukanayay masajidkasi lacag iyo dahab tasi oo qayb ka ah gargaarka Abaaraha.


Waxaa kalee oo loo mahad celinayaa ururka SEUKI oo ku deeqay in garoonka kubadda cagta lacag loga aruuriyo dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Somaaliya. Waxaan marna la iloobi karin Ururada kala ah ururka Walidiinta iyo macalimiinta ee xafadda Tensta kuwasi oo si baaxad leh ugu qayb qaatay barnaamijkan.  Waxaa aan Mesha Ka marneyn dadaalka dheeradka ee ay sameeyeen ururka dhalinyarada SAVE oo ah dhalinaro ku qaatay nolashooda inta ugu badneyd dalka Sweden lakin hadana mar waliba u taagan tageerada walalahooda Somaaliyeed. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Ururka Nabadda iyo horumarinta oo si toos ah ugu istaagay banaamijka dhaqaale aruurinta. Daladda Somali Riks förbundet ayaa waxaa ay tahay mid ay ku mideysan yihiin inta badan ururada Somaalida dalka Sweden ayaga oo tageero weyn u muujiyay dadkii ku howlanaa dhaqaale aruurinta. Ururka ADF waxaa uu xasuusnaan donaa garab istagii ay garab istageen ganacsatada Somaaliyeed sida tukanleeyda iyo xawaaladleeyda Xafada Tensta iyo Rinkeby.

Gudaha dalka Somaaliya ayaa waxaa barnamijka ka fuliyay ururada kala ay ARDO  oo ka howlgalo Muqdisho/shabelle hoose  SORDES oo ka hawlgalo Gedo/labada Jubba iyo waliba ururka SARD oo ka howlgalo Bakol iyo Bai. Ururadan ayaa waxaa ay yihiin kuwo ka shaqeeyo barnaamijada horumarinta iyo gargaarka bani´adan nimada ayaga oo aanan wax siyaasad ah ku lug lahayn

Dadka ja faideystay ayaa waxaa ay ay guud ahaan tiradooda gareysaa 1015 qoys oo ku kala sugan gobolada Bakol Gedo iyo Banadir.