Jimco, Ogoosto 05, 2011 (HOL) – Warar ay HOL helayso ayaa sheegaya in 36-kii xidhibaan ee diiday inay codkooda siiyaan heshiiskii Kampala la qorsheynayo in 20 ka mid ah laga saaro golaha baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdi Abshir Dhoorre ayaa inoo xaqiiyay in qorshahan uu socdo, isagoo xusay inay wadaan qorshahan madaxda DKMG ah. Mudane Abshir Dhoore wuxuu sheegay in xildhibaannada la qorsheeyay in baarlamaanka laga saaro ay si cad uga soo horjeesteen qodobbada ka horimaanaya dastuurka ee heshiiska Kampala ku jiray.
"Qorshaha xildhibaannadan lagu eryayo waa ujeedeedu waxay tahay in la baro xildhibaannada in mid walba oo diida qorshooyinka ay madaxda DKMG ahi wataan laga saarayo baarlamaanka," ayuu yiri mudane Abshir Dhoorre.
"Waxaa mudanayaashan loogu marmarsiyooday waxay buuq ka sameeyeen kulankii looga doodayay heshiiskii Kampala ee ka horreeya kii lagu ansixiyay. maalitaasoo ay xarunta baarlamaanka joogeen madaxda DKMG ah si loo fahamsiiyo mudanayaasha nuxurka heshiiskii Kampala," ayuu xildhibaanku hadalkiisa raaciyay. isagoo is weydiiyay inay jiraan dhowr jeer oo xarunta baarlamaanka uu buuq ka dhacay, balse uu garan la'yahay sababta arrintan xoogga loo saaray.
Xildhibaan Abshir Dhoore wuxuu sheegay in buuqii ugu weynaa uu golaha shacabka ka dhacay markii guddoomiyihii hoer Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) xilka laga qaadayay sannadkii 2010, lana doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadda ah afhayeenka baarlamaanka.
"Danta ugu weyn ee heshiiskii Kampala laga leeyahay waa in madaxweyne Sheekh shariif iyo Shariif Xasan ay ka dhaadhiciyaan wixii ay doonaan golaha shacabka, kii diidana ay ka saaraan golaha," ayuu mudanuhu si cad u yiri.
Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxda DKMG ah ay wadaan qorshe kale oo ah in laga dhigo xubnaha baarlamaanka 275-xubnood oo iyaga taageersan, iyagoo taas uga gol leh sida ay mudanayaal ka tirsan baarlamaanku u sheegeen HOL in iyaga loo doorto hoggaanka dalka shanta sano ee soo socota.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya