Ilaalada Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo xalay ku dagaalamay Degmada Xamarweyne

Jimco, Ogoosto 05, 2011 (HOL) Laba qof ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad ku dhexmaray degmada Xamarweyne xalay ilaalada laba mas'uul oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Mas'uuliyiinta ay ilaaladoodu dirirtay ayaa waxay kala yihiin guddooiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee gobolka Banaadir Warsame Joodax iyo guddoomiyaha degmada Huriwaa ee DKMG ah Cumar Jacfaan.

Dagaalka labada mas'uul ayaa wuxuu ka billowday koronto la jaray, sida uu sheegay Cumar Jacfaan, isagoo falkaas ku tilmaamay qorshe la doonayay in lagu dilo isaga balse uu ka hortagay.

Labada qof ee dagaalka ku dhintay ayaa mid ka mid ah wuxuu ahaa ilaalada labada mas'uul iyadoo qofka kalena uu ahaa qof shacab ah oo ay rasaastu haleeshay, halka saddexda qof ee dhaawacmay ay ahaayeen dhammaantood shacab.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne C/llaahi Sahal Gardhuub oo ka warbixiyay shaqaaqada ayaa sheegay in iska-horimaadka uu dhexmaray mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka ayna tahay mas'uuliyad-darro, isagoo ka codsaday madaxda DKMG ah in tallaabo laba qaado labada mas'uul.

Warsame Joodax ayaan weli ka hadlin shaqaaqada dhexmaray ilaaladiisa iyo kuwa Cumar Jacfaan, iyadoo dagaalka labada ciidan uu si iskiis u istaagay, balse weli la sheegayo inay jiraan xiisado u dhexeeya.

Taliyaha ciidanka booliiska bartamaha Xamar Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa ku tilmaamay shaqaaqadan mid aad u fool xun, isagoo codsaday in labada mas'uul laga qaado tallaabo ku aaddan iska-horimaadka dhexmaray ilaaladooda.

Degmada Xamarweyne ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay DKMG ah ka taliso, waxaana shaqaada ka dhacay ay qayb ka noqonaysaa shaqaaqooyin inta badan ka dhaca degmooyinka ay dowladdu kaga sugan tahay Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya