Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay ganacsatada Suuq Bacaad sheegayna inuu suuqu furan yahay

Khamiis, Ogoosto 25, 2011 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) oo maanta kulan kula yeeshay suuqa labaad ee Muqdisho ugu weyn ee Suuq Bacaad ganacsatada ayaa sheegay inuu suuqu furan yahay ayna dowladdu sugayso ammaankiisa.

"Waxaan jecelnahay mustaqbalka inuu suuqu noqdo mid la tartamaya suuqa Bakaaraha oo isagu uu noqdo suuqa koowaad haddii ay suurogal tahay, waxa ka dhigi karana waa idinka," ayuu duqa Muqdisho u sheegay ganacsatadii uu maanta la kulmay.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolku wuxuu sheegay in siyaasadda DKMG ah iyo midda gobolka ay tahay siyaasad saaxiib la ah ganacsatada, isagoo sheegay inaysan dowaldda iyo gancsatadu kala maari karin.

Wuxuu intaas ku daray in dowladdu ay taageerayso ganacsatada isagoo sheegay in suuqu uu furan yahay wixii maanta ka dambeeya, iyaguna ay xil iska saarayaan sugidda amamanka guud ee suuqa, gaar ahaan xalaawadaha.

Duqa Muqdisho, wuxuu ugu dambeyn sheegay inay qashinka ka qaadayaan suuqa isagoo xusay in looga baahan yahay ganacsatada inay ka hortagaan in jidadka la dago, wuxuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan qabiilka oo uu ku sheegay mid aan horumar lahayn.

Suuq Bacaad oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ayaa wuxuu ka mid yahay goobihii ay horraantii bishan ka baxeen xoogaggii Xarrakada Al-shabaab ee ka talinayay labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaana dagaallo dhacay ku gubtay qaybo badan ka mid ah suuqaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya