Khamiis, Ogoosto 25, 2011 (HOL) – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Abuu Dubai ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta ayaa deeq raashin ah oo isugu jirtay, saliid, timir iyo bariis gaarsiiyay barakacayaal dan yar ah oo ku dhaqan xero ku yaalla degmada Waabari oo ka mid ah degmooyinka ay barakacyaasha daggan yihiin.
Qaybinta deeqdan ayaa lala kaashaday ururka Bisha Cas, iyadoo qoys walba oo ku jiray kaamka laga qaybiyay la siiyay raashinka qaybihiisa kala duwan, iyadoo xubnaha Jaaliyada ee soo diray lacagta ay u mahad-celiyeen safaaradda Soomaaliya ee magaalada Abuu Dubai, sii hayaha safaarada iyo qunsulka guud.
Sidoo kale qoysaskii ka faa'iideystay deeqda oo tiradoodu ahayd 350 ayaa ka mahad-celiyay deeqda ay u soo direen walaalahood, waxayna qaar ka mid ah qoysaskaas ahaayeen kuwo dhawaan kasoo barakacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha hoose.
Jaaliyadda ayaa soo dhiibay lacag gaareysa 9,046 Dollar (sagaal kun iyo afartan iyo lix doolar) oo ay jaaliyadda iska soo ururisay, muwaadiniinta Imaaraadka Carabta iyo dad kale, waxaana deeqda looga mahadceliyay dadka soo abaabulay oo kala ahaa Muna C/raxmaan Jibriil, Suleymaan Yuusuf Maxamed iyo sii-hayaha safaaradda Danjire Xuseen Maxamuud Maxamed.
Deeqda ayaa waxay qayb ka noqoneysaa deeqaha ay jaaliyadaha Soomaalida ee dibadaha ku nool soo gaarsiinayaan walaalahooda dhibaateysan ee ay abaaruhu saameynta xooggan ku yeesheen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya