Xarakada Al-shabaab oo kusoo bandhigtay degmada Baardheere gaadiid ay ka qabsatay dowladda KMG ah

Khamiis, Ogoosto 25, 2011 (HOL) – Xarakada Al-shabaab ayaa Arbacadii shalay kusoo bandhigtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo gaadiid ay ku qabsadeen dagaal toddobaadkan billowgiisii ka dhacay deegaanno ka tirsan degmada Ceelwaaq ee isla gobolkaas.

Gaadiidkan oo isugu jiray laba gaari oo kuwa dagaalka ah iyo saddex gaari oo ay ku rarnaayeen raashin iyo saanado ciidan ayaa waxaa lagu soo bandhigay barxad weyn oo ku taalla bartamaha degmada Baardheere, iyadoo ay daawashadaas u soo baxeen boqolaal dad ah.

Waaliga gobolka Gedo ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Cabbaas C/llaahi ayaa sheegay in gaadiidka oo isugu jiray kuwo xamuul u waday ciidamada iyo kuwo dagaal ay ku qabsadeen dagaallo toddobaadkan ay kula galeen ciidamada DKMG ah hareeraha degmada Ceelwaaq.

"Baabuurtan waa kuwii la doonayay in guryihiinna la idin kaga qixiyo, waxaana uu EEBBE gacanta u soo geliyay mujaahidiinta," ayuu ku yiri dadweynihii isugu soo baxay inay gaadiidka daawadaan.

Ciidammo taabacsan dowladda KMG ah, Ahlusunna iyo xoogaga Al-shabaan ayaa toddobadkan waxaa dagaallo khasaare badan dhaliyay ay ku dhexmareen deegaanno ay ka mid tahay Buusaar oo 40-km bari kaga beegan degmada Ceelwaaq.

Dowladda KMG ah ayaan ka hadlin gaadiidka lasoo bandhigay ee la sheegay in laga soo qabsaday ciidamadooda ku sugan gobolka Gedo, iyadoo saraakiisha Al-shabaab ay sheegeen inay wadaan qorshayaal ay ku qabsanayaan degmooyinka gobolka Gedo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya