Khamiis, Ogoosto 25, 2011 (HOL) – Hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika ayaa kulan maalin ah oo dhaqaale loogu ururinayo abaaraha iyo dhibaatada ka taagan dalalka Bariga Afrika wuxuu maanta uga furmay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.
Guddoomiyaha meertada ah ee ururka Midowga Afrika Teodoro Obiang Nguema, madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha Jabuuti, Ismaciil Cumar Geelle iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa shirka si wadajir ah u furay.
Shirkan dhaqaalaha lagu ururinayo waa kii ugu horreeyay noociisa oo ay yeeshaan madaxda Midowga Afrika, iyadoo shirarkii hore ay ahaayeen kuwo si kooban loogu taageerayay dalal ay musiibo ku dhacday.
"Waxaan doonaynaa inaan sameyno ficil miro-dal ah. Ma doonayno hadal, waxaan doonaynaa in tallaabo la qaado," ayuu yiri afhayeenka Midowga Afrika Noureddine Mezni, isagoo sheegay in dhaqaalaha ugu yar ee ay doonayaan inay ururiyaan uu yahay 1.1 bilyan Dollar.
Afhayeenku wuxuu sheegay in la qorsheynayo in dhaqaalaha la gaarsiiyo 2.4 bilyan Dollar si loo caawiyo 12.4 milyan qof oo abaaraha Geeska Afrika ay saameynta ku yeesheen. Isagoo sheegay in Midowga Afrika uu ballanqaaday 500,000 oo Dollar.
Bariga Afrika waxaa ka taagan abaarihii ugu xumaa muddo nus-qarni ah, iyadoo saameyn ku yeeshay dalka Soomaaliya, iyadoo Qarammada Midoobay ay sheegtay inay macluuli ka dilaacday gobollo ka tirsan Soomaaliya.
Guddoomiyaha ururka Midowga Afrika Jean Ping ayaa ugu baaqay madaxda Afrika inay qaadaan tallaabo looga hortagayo gaajada isagoo sheegay in gargaar dhaqso ah lala gaaro dadka ku dhibaateysan Bariga Afrika.
Dalalka Afrika ee qaybta ka ah dhaqaale ururintan ayaa ballanqaaday 21-milyan oo Dollar, balse dalal yar ayaa ku doodaya in dhaqaalaha la gaarsiiyo illaa 50-milyan si wax looga qabto macluusha iyo gaajada Bariga Afrika ka taagan.
"Haddii aan dhabta ka hadalno 'Afrika way xallin kartaa dhibaatada Afrika' waxaan doonaynaa inaan taas si cad u ogaanno, erayo uma baahna ee waxay u baahan tahay ficil," ayay dalalka Afrika qaarkood sheegeen.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalya dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Japan, dalalka Yurub qaarkood iyo kuwo kale oo Hodan, kuwaasoo qaarkood ku dhawaaqay ay ugu deeqeen dalalka Bariga Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya