Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo dhaqaale weydiistay dalalka Midowga Afrika iyo kuwa Caalamka

Khamiis, Ogoosto 25, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa ka dalbaday dalalka Midowga Afrika ee ku shiraya Addis Ababa dhaqaal lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegayin xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya ay tahay mid aad u adag.

Sheekh Shariif oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dalkiisu uu calaamka oo dhan weydiistay in gacan la geysto sidii shacabka Soomaaliyeed looga samatabixin lahaa abaarta ku dhufatay.

"Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya waa kuwo aad u daran oo aan sannado badan soo marin, waxaan uga baahannahay walaalaheenna Afrika inay caawiyaan shacbkeenna," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dalka Turkey uu kaalin weyn ka qaatay dadaalka lagu caawinayo Shacabka Soomaaliyeed, isagoo dalalka Afrika ku boorriyay inaysan kaalintoodu ka hooseyn tii Turkiga.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku boorriyay dalalka Afrika iyo kuwa kale ee dunida ka socda in la caawiyo Soomaaliya, isagoo sheegay in dhibaato daran uu kusoo arkay Muqdisho markii uu booqday toddobaadkii hore.

Xubnaha ka socda dalalka calaamka iyo kuwa Afrika ee shirka ka qaybgalyaa ayaa durba billaabay inay ku dhawaaqaan yaboohooda lacageed ee ay ugu talogaleen inay ku caawiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya