Khamiis, Ogoosto 25, 2011 (HOL) – Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta ku doortay shirkii uga socday degmada Caabduwaaq ee gobolka Galguduud guddoomiyaha golaha talada iyo ku xigeennadiisa, kaddib markii la xalliyay khilaafyo soo dhexgalay ergada ka qaybgalaysa shirkaas.
Guddoomiyaha golaha talada ayaa loo doortay Sheekh Cumar C/qaadir Aadan oo ahaa guddoomiyihii golaha talada, kaasoo horay loogu doortay shirkii Ahlusunna ee ka dhacay isla degmada Caabduwaaa sannadkii 2009.
Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha talada ayaa loo doortay Sheekh C/llaahi Cabdi Maxamed iyadoo guddoomiye ku xigeenka labaad loo doortay Sheekh Xasan Ibraahim Aadan oo labaduba ku cusub hoggaanka Ahlusunna.
Doorashadan ayaa waxay noqonaysaa wareeggii ugu horreeyay ee lagu doortay maamulka golaha baarlamaanka ama talada Ahlusunna, waxaana shir guddoonkii kulanka ay maanta si toos ah ugu wareejiyeen howsha guddoomiyaha golaha talada iyo ku xigeennadiisa si ay u soo wadaan howsha dhismaha maamulka cusub.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la doorto guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusnna oo ay u taagan yihiin saddex xubnood iyo guddoomiyaha guud ee Ahlusunna oo ay isna u taagan yihiin saddex xubnood.
Shirka uga socda Ahlusunna duleedka degmada Caabduwaaq ee gobolka Galguduud ayaa waxaa dhowr jeer soo wajahay khilaafyo sabab u noqon lahaa inuu shirku burburo, balse xal ayaa laga gaaray.
Kulanka ayaa waxaa ku sugan xubno ka socda dowladda Itoobiya iyo urur goboleedka IGAD kuwaasoo la sheegay inay u yimaadeen halkaas is ay goobjoog uga noqdaan shirka iyo doorashada mas'uuliyiinta ururka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya