Khamiis, Ogoosto 25, 2011 (HOL) – Dowladda Sierra Leone ayaa sheegtay inay u dirayso Soomaaliya 850-askari si ay ugu xoojiso ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, sidaa waxaa warbaahinta ugu sheegay xarunta dalkaas afhayeenka ciidamada G/lle Ken Jabbie.
Afhayeenku wuxuu sheegay shan sarkaal oo ka tirsan ciidamadooda ay mar hore tageen Muqdisho, si ay u caawiyaan ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM kuwaasoo dagaal adag kula galay Muqdisho xoogagga Al-shabaab oo isku dayayay inay afgambiyaan xukuumadda Soomaaliya.
"Sierra Leone way kasoo kabatay dagaalladii sokeeye ee lasoo afjaray sannadkii 2002 - waxay hadda isku dayaysaa inay dalalka kale ee ay dhibaatada ka jirto ka caawiso sidii ay nabadda iyo kala dambeynta u soo ceshan lahaayeen," ayuu G/lle Jabbie hadalkiisa raaciyay.
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in Qarammada Midoobay ay 17,500 askari ay nabad ilaalin ahaan u geystay dalkooda, kuwaasoo gacan ka geystay sidii lagu soo celin lahaa nabadda Sierra Leone kaddib 10-sano oo dagaallo sokeeye ah.
"Waxaan filayaa inaan kaalin ku yeelan karno nabad kusoo dabaalidda dalalka kale ee ay dagaalladu ka socdaan, innagoo tusaale ka dhiganayna wixii nasoo maray," ayuu afhayeenku mar kale yiri.
Bishan horraanteedii ayuu ururka Midowga Afrika codsaday in si dhaqso ah loo geeyo Soomaaliya 3,000 askari si loo sugo ammaanka Muqdisho oo ay intiisa badan ka baxeen xoogagii Al-shabaab ee dagaalka kula jiray.
Soomaaliya hadda waxaa ku sugan 9,000 oo askari oo ka socda dallaka Uganda iyo Burundi kuwaasoo difaacaya dowladda aan awoodda badnayn ee Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya