Khamiis, Ogoosto 25, 2011 (HOL) – Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in dowladdiisu aysan wax lug ku yeelanayn siyaasadda Soomaaliya, laakiin wuxuu sheegay inay ka shaqeyn doontaa sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho dimuqraadiyadeed oo xor ah.
Hadalkan ayuu Museveni ku sheegay wareysi uu toddobaadkan siiyay wargeyska ku hadla afka dowladda Uganda ee New Vision oo kasoo baxa magaalada Kampala.
"Ciidamada Uganda (UPDF) waxay Muqdisho kula dagaalamayaan Xarakada Al-shabaab, waxaana ku shaqeynayaa magaca Midowga Afrika," ayuu Museveni ku sheegay wareysigiisa.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab uusan macno ahaan noqonayn in Uganda ay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada Soomaaliya.
Dalalka Uganda iyo Burundi ayaa waxaa kaga sugan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya 9,000 askari, kuwaasoo difaaca dowladda KMG ah oo aan tabar badan lahayn.
"Innagu ma bartilmaameedsan Al-shabaab, maxaa yeelay ciidankeennu qayb ayuu kaga sugnaa Muqdisho. Kooxdu waxay diidday inay xushmeyso howlgalka Midowga Afrika, waxayna soo weerareen askarteenna," ayuu Museveni hadalkiisa raaciyay.
"In dhinac ka mid ah dhinacyada iskasoo horjeeda lala safto waxay sababaysaa dhibaato," ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay in dhinac walba uu xushmeeyo calanka iyo howlgalka Midowga Afrika.
Madaxweynaha Uganda ayaa warsaxaafadeed uu kasoo saaray State House oo ah xarunta madaxtooyada wuxuu ku sheegay in dalkiisu uu ciidammo ugu yaboobay Soomaaliya, dalalka kalena laga doonayo inay tallaabadaas oo kale qaadaan.
"Waxaa ciidamo kale oo dhaaraad ah u diraynaa Soomaaliya haddii uu Midowga Afrika taas naga codsado," ayuu Musveni ku sheegay warsaxaafadeedkiisa. Isagoo sheegay in ciidamada AMISOM ay horumarro ka sameeyeen Muqdisho, isagoo xusay inay u baahan yihiin in laga taageero dhinaca cirka si ay dhulal aan Muqdisho ahayn u gaaraan.
"Ma doonayno inaan ku qasabno shacabka Soomaalida hoggaamiye aysan doonayn. Howlgalkeennu waa mid ku saleysan fikradaha baarlamaanka Afrika, kuwaasoo ah in dalka kasta oo Afrika ka tirsan uu caawiyo dalka kale ee ay dhibaatadu ka jirto. Qof walba oo isku daya inuu hoggaamiye ku qasbo shacabka Soomaaliyeed wuu guul-darreysanayaan," ayuu Museveni yiri.
"Waxaa waajib nagu ah inaan xushmeyno madaxbannaanida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda. Haddii aan hindisayaal soo jeedinayno waxaan marinaynaa DKMG, innagu soo-jeedinta, ogolaashaha iyo diidamadana dowladda ayaa iska leh," ayuu hadalkiisa dabo-dhigay.
Museveni wuxuu sheegay in iskudayo hore oo lagu doonayay in lagu xasiliyo dalka Soomaaliya ay fashilmeen, taasoo uu sabab uga dhigay in dhinacyadii ku lug lahaa ay qaybo la safteen. "Adigu noqon karti nabad-sameeye haddii aad dhinac la safato.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa faragelin horay ugu sameeyay 30-dal oo dunida ka tirsan kuwaasoo uu horkacayay Mareykanka, waxayna ka baxeen dalka iyagoo aan natiijo ka gaarin sababihii ay u yimaadeen. Sidoo kale Itoobiya ayaa faragelinta ku sameysay iyaduna waxay isaga baxday iyadoo aan hadafkeedii gaarin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya