
Jimce, August 12, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Xuska sanad guuradii 4-aad ee geeridii ku timid mid kamid ah mulkiilayaashii idaacadii Horn Afrik Cali Iimaan Sharmaarke iyo sidoo kale Mahad Axmed Cilmi oo labadaba lagu dilay magaalada Muqdisho sannadkii 2007 ayaa xalay lagu qabtay hotelka Grand Royal ee magaalada Nairobi.
Xuskan oo ay kasoo qayb-galeen dadweyne u badnaa saxafiyiin iyo dhalinyaro ayaa waxaa soo qabanqaabiyay qaar kamid ah saxafiyiintii hore ee Horn Afrik iyo hay’adda Iman Foundation oo uu haatan madax ka yahay Burhaan C/laahi Iimaan oo uu adeer u yahay marxuum Cali Imaan Sharmaarke.
Gen. Cali Xaashi Baraale oo kamid ah ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka sheekeeyay taariikhdii Cali Iimaan oo uu ku tilmaamay inuu ahaa nin naftiisa u huray dalka.
“Waxaan u lahaa aqoon dheer,ummada Soomaaliyeedna taariikhdiisa way xasuusnaan doontaa “. Ayuu yiri Gen. Baraale.

Xoghayaha guddiga ganacsatada xaafadda Eastleigh (Islii) Maxamed Maxamuud Guutaale oo halkaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay kooxaha saxafiyiinta ugaarsada inay yihiin kuwo la dagaallamaya in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dalkooda.
Sahro Cabdi Axmed oo kamid ahaa wariyayaashii lasoo shaqeeyay labada marxuum ayaa ka sheekaysay sida ay u ahaayeen shakhsiyaad bulshadooda sumcad ku dhex leh.
“Waxay ahaayeen dad qaali nagu ah, oo aan la garanayn sababta lagu ugaarsaday, dilitaankoodu wuxuu horseeday in saxafiyiin badan ay ka cararaan dalka”. Ayay tiri Sahro .
Faarax Blue oo ka tirsan bahda Hiiraan Online ayaa isna halkaas ku soo bandhigay liis ay ku qoranyihiin 32 saxafi oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib, kuwaasoo sanadihii ugu dambeeyay lagu wax yeelleeyay dalka Soomaaliya.
Faarax ayaa ka codsaday wariyayaasha kale inay ku dadaalaan sidii ay ugu dhagi lahaayeen mihnadooda , ayna iska illoobaan khatarta iyo hanjabaadaha uga imaanaya kooxaha hubaysan, si war xaqiiqo ah ay u helaan bulshada Soomaaliyeed.
Ustaad Maxamed Cismaan (Newyork) oo kamid ah wariyayaashii hore ee Horn Afrik ayaa isna tilmaamay inay kaalin muhiim ah bulshada uga jireen Cali Iimaan iyo Mahad Axmed Cilmi.
Newyork waxaa uu sheegay inay ahayd wakhtigii ugu adkaa noloshiisa markii si isdaba joog ah loo bartilmaameedsaday labada marxuum oo uu sheegay inay ahaayeen saaxiibo noloshiisa ku wayn.
Dhammaan dadweynihii halkaas isugu yimid ayaa u duceeyay labada marxuum Cali Iimaan Sharmaarke iyo Mahad Axmed Cilmi.
Ugu dambayntiina Burhaan C/laahi Iimaan oo ah madaxa hay’adda Iimaan Foundation ayaa sheegay inuu sii wadi doono hawshii uu adeerkiis ka geeriyooday, isla markaana uu isku dayo doono soo noolaynta idaacaddii Horn Afrik ee haatan xiran.





Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi ,Kenya