Haweenka Soomaaliyeed ee ka cararay macluusha Soomaaliya oo la kulmay kufsi, afduub iyo guur khasab ah

Jimco, Ogoosto 12, 2011 (HOL) – Haweenka iyo gabadhaha Soomaaliyeed ee ka cararay macluusha iyo abaaraha ku dhuftay Koonfurta Soomaaliya ayaa xeryaha qoxootiga ee Kenya kala kulmay kufsi, afduub iyo guur khasab ah, kuwaasoo ay ku kacayaan kooxo hubeysan.

Qarammada Midoobay ayaa sheegtay in socdaalka loosoo galayo in xeryaha Kenya la yimaado uu yahay mid aad u dheer oo dhib badan, sidoo kalena ay ciidamad DKMG ah iyo kuwa gacansaarka la leh ay si sharci-darro ah ugu weeraraan gudaha Soomaaliya haweenka iyo gabadhaha.

"Haween badan oo Soomaaliyeed markii ay kasoo tallaabayeen soohdinta ay Kenya iyo Soomaaliya u dhexeysa waxay oo ay imaanayeen xeryaha dhadhadaab oo ah kuwa ugu weyn dunida waxay la kulmeen khatar aysan filayn oo ah kufsi," ayay tiri afhayeennada hay'adda xadgudubka galmada ee Qarammada Midoobay Margot Wallstrom.

"Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada colaaddu u dhexeyso inay si dhaqso badan u joojiyaan falalkaas ka baxsan xuquuqda aadanaha," ayay mar kale tiri, iyadoo hadalkeeda raacisay inaan haweenka looga faa'iideysan dhibaatada taagan.

Kumannaan kun oo qof oo ay ku jiraan 29,000 oo caruur ah ayaa u dhintay macluusha ka taagan dalka Soomaaliya, taasoo saameynta ugu xooggan ku yeelatay dadkii xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ahaa ee ku noolaa gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Wallström waxay ka codsatay xukuumadda Kenya inay ka hortagaan falalka lagula kacayo haweenka, taas badalkeedana la caawiyo dadka dhibaateysan ee maalin walba gaaraya xeryaha qoxootiga dalkaas.

"Waa sida ugu dhaqsiya badan looga shaqeeyo sidii lagu joojin lahaa kufsiga iyo guurka khasabka ah ee lagula kacayo haweenka iyo gabadhaha kasoo cararay macluusha. sidoo kalena la joojiyo dhibaato walba oo haweenka ka dhan ah, ayay tiri Wallstrom.

Ugu dambeyn, waxay sheegtay inay dabo-gal ku hayaan fal walba oo ku saabsan kufsi iyo cadaawad ka dhan ah haweenka. Dalka Kenya ayaa waxaa bilihii ugu dambeeyay gaarayay dad badan oo ka barakacay abaaraha, kuwaasoo u badan haween iyo caruur.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya