Somaliland oo guddi gargaar u Magacowday ka Qayb-qaadashada kaalmeynta Barakacayaasha Abaaraha

Jimco, Ogoosto 12, 2011 (HOL) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Axmed Ismaaciil (Saylici) oo shir guddoominayay kulan heer wasiir ah oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Somaliland Khamiistii shalay ayaa looga dooday sidii gargaar loogu fidin lahaa dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee ku nool Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabbadu u xiran yihiin ayaa intiisa badan looga hadlay sidii ay Somaliland gargaarka caalamiga ah ee loo fidinayo barakacayaasha abaaraha uga qaybqaadan lahayd, waana markii ugu horreysay oo ay Somaliland ka hadasho sidii ay uga qaybqaadan lahayd gargaar bani'aadamnimo oo shacabka dhibaateysan loo fidinayo.

Xukuumadda Somaliland waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay gargaar aadamnimo u diro dadka ay abaaruhu ku saameeyeen Koonfurta Soomaaliya, ayna sidoo kale kala shaqeynayso beesha caalamka sidii gargaar lagu gaarsiin lahaa dadkaas dhibban.

Afhayeenka madaxtooyda Somaliland, C/llaahi Maxamed Daahir ayaa u sheegay warbaahinta Somaliland in wasiirrada Somaliland ay isku raaceen saddex qodob oo ku saabsan doorka Somaliland ee ka qaybqaadashada gargaarka bani'aadnimo.

Mr. Daahir ayaa sheegay in saddexda qodob ay kala yihiin: In Somaliland ay diyaar u tahay inay beesha caalamka kala shaqeyso dagaalka lagula jiro abaarta Soomaaliya. In Somaliland ay diyaar u tahay inay gargaar ay iyadu bixinayso ay dirto iyo inay dhiso guddiga gargaarka deg-degga ah oo ka kooban toddoba xubnood. In Somaliland inay u furto dekedda Berbera sidii ay beesha calaamku uga soo dajin lahaayeen gargaarka ay ugu talogaleen shacabka Soomaaliyeed.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in in guddiga la magacaabay ee ka shaqeynaya gargaarka bani'aadamnimo ee deg-degga ah ay kala yihiin:

1. Wasiirka maaliyadda Somaliland, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi
2. Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Xaaji Cali Cadami
3. Wasiirka Warshadaha, C/risaaq Khaliif Axmed
4. Wasiirka Arrimaha Diinta, Khaliif Cabdullaahi Axmed
5. Wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda, Dr Crashiid Sheekh Xasan
6. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka, Naciimo Xuseen Qowdhan
7. Wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo guriyeynta, Cali Cabdi Saayi

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya