Jimco, Ogoosto 12, 2011 (HOL) –Maamulka degmada Bosaaso ayaa bilaabay olole aad u ballaaran oo lagu tir-tirayo goobaha cuntada xaaraanta ah lagu kariyo ee ku yaalla magaalada Bosaaso ,kuwaasi oo la sheegay in ay aad u soo kordhayeen tan iyo markii la galay bisha barakasan ee Ramadan.
"Waxaan uga digaynaa dadka xaaraanta caadaystay in ay goobahooda ganacsi ay degmada ka sii furnaadaan ,waxaana laga qaadayaa tallaabo sharci ah "ayuu yiri duqa degmada Bosaaso oo la hadlay qaar kamid ah idaacadaha ,isagoo ugu baaqay booliska iyo shacabka sooman in ay arintaa iska kaashadaan.
Duqa degmada Maxamuud Beeldaaje Faarax ayaa xusay in maamulkiisa uusan raali ka ahayn arimaha noocaan oo kale ah ,waxaana uu xusay in ciddii lagu helo iyada oo cunto xaaraan gadaysa maalintii la soo xiri doono ,isla markaana la ciqaabi doono.
"Maamulka iyo shacabka waxa ay iska kaashan doonaan sidii loo soo afjari lahaa mehradaha sida qarsoodiga ah maalintii loo furo "ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiyaha ,isagoo tilmaamay in ay jiraan dad arimahasi loo soo qab-qabtay maalmihii la soo dhaafay.
Sidoo kale duqa degmada ayaa sheegay in ay bilaabeen dadaallo lagu afurinayo dadka masaakiinta ah ee aan awoodin afurka ,isagoo sheegay in arintan ay ka wada shaqaynayaan maamulkiisa iyo ganacsatada degmada ku dhaqan ee hantida haysta.
"Waan ku war-galinnay booliska in ay soo qab-qabtaan dadka dhibaatada degmada ku haya ,waxaanna hadda aan bilownay afurinta dadka masaakiinta ah "ayuu mar kale yiri duqa oo shacabka ugu baaqay in walaalahooda masaakiinta ah ee aan afurka awoodin ay u soo gar-gaaraan.
Ugu danbayntii marka sanad kasta la gallo bisha ramadaan waxaa jira goobo gaar ah oo lagu kariyo cuntada xaaraanta ah ,waxaana kamid ah xaafadaha lagu kariyo Suwayto iyo xaafatul-Carab,waxaana taa bar-bar socda dadaallo ay samaynayaan culumada oo lagu afurinayo dadka masaakiinta ah.
Faysal Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaailya
Maamulka Boosaaso oo digniin u diray dadka mehradaha cuntada lagu kariyo bisha Ramadaan ku leh degmadaas
More News
- Daawo Sawiro laga soo qaaday Soomaalida ku nool magaalada Perth ee Dalka Australia oo lacag u qaybiyay bukaannada ku jira Isbitaallada Banaadir iyo Madiina
- Xuskii 4-aad ee dilkii Cali Iimaan oo lagu qabtay magaalada Nairobi (SAWIRRO)
- Somaliland oo guddi gargaar u Magacowday ka Qayb-qaadashada kaalmeynta Barakacayaasha Abaaraha
- Haweenka Soomaaliyeed ee ka cararay macluusha Soomaaliya oo la kulmay kufsi, afduub iyo guur khasab ah
- Deeq ay soo dhiibeen Falastiiniyiinta ku nool Magaalada Oslo -Nowray oo loo qaybiyay barakacayaasha Abaaraha
- Xubno ka socda Qarammada Midoobay oo Dhuusamareeb kula shiray mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna Waljameeca
- Jaaliyadda Yuhuudda ee ku nool dalka Canada oo sheegay inay gargaarayaan Barakacayaasha Soomaaliya
- AFHAYEENKA AL-SHABAAB: "Dagaalka aan Muqdisho ka billowday waa midkii lagu jabinayy ciidamadii la geeyay Ciraaq iyo Afgaanisaan"
- Israsaaseyn Deegaanka Dhoobley ku dhex martay Ciidamo katirsan DKMG iyo Ururka Raaskaambooni