Xubno ka socda Qarammada Midoobay oo Dhuusamareeb kula shiray mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna Waljameeca

Jimco, Ogoosto 12, 2011 (HOL) – Degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa kulan ku yeeshay xubno ka socday UN-ka gaar ahaan hay’addaha samafalka iyo waliba mas’uuliyiin ka kala socday maamlka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollada Galgaduud iyo Hiiraan.

C/llahi C/nuur Bare (Foor-Foor) oo ah guddomiye ku-xigeenka degmada islamarkaana arrimaha bulshada u qaabilsan maamulka degmada Dhuusa-mareeb ayaa warbaahinta uga waramaya wax yaabihii ay ka wada hadlleen labada dhinac waxaana uu sheegay in ay isla soo qaadeen arrimo u badnaa xaalada Bani’aadanimo ee ka taagan bartamaha Soomaaliya.

"Dacan waxaa horkacayay xubnihii aynu is aragnay mas’uuliyiin ka tirsan UN-OCHA waxaana ay inoo sheegeen in ay daneynayaa bal in ay wax badan ka ogadaan xaalada Bani’aadanimo deegaannada uu ka jiro maamulka Ahlusunna, aniga warbixin ayeeynu siinay ayuu yiri,’’ C/llaahi C/nuur.

Waxaa uu intaa ku darray in gaar ahaan in ay siweyn iskula soo qaadaan kulankooda xaalada dhinaca caafimaada oo ay siweyn u daneynayeen, isaga oo intaa raaciyay in ay u sheegeen in dhibaato dhinaca caafimaadka ah jirto, gaar ahaan marka la eego dhulka Miyiga oo ah goobaha ay sida darran abaartu u sameysan.

"Runtii dhamaan wax yaabihii aynu kulanka uga wada hadalnay dhamaantood waan isku afgarnay, waxaana ay inoo sheegeen in ay sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabanayaan xaaladaha nolaleed ee ka jira bartamaha Soomaaliya, dibna ula laabanayaan xog ay haleen ayuu yiri,’’ guddoomiye ku-xigeenka degmada.

Ma’aha markii ugu horeysay oo ay goballka Galgaduud ku kulmaan xubno ka socda hay’addaha Samafalka ee UN-ka iyo waliba mas’uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna kuwaasoo kulamadooda uga hadllay sidii wax looga qaban lahaa dadka dhibaateysan, laakiin ilaa hadda ma muuqdaan howlo la taaban karo oo ay hay’addaha samafalku ka wadaan bartamaha Soomaaliya oo ka mid ah meelaha ay abaartu sida darran u saameysay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya