Israsaaseyn Deegaanka Dhoobley ku dhex martay Ciidamo katirsan DKMG iyo Ururka Raaskaambooni

Jimco, Ogoosto 12, 2011 (HOL) – Waxaaa xalay fiidkii ka dhacay gudaha Deegaanka Dhoobley is rasaaseyn socotay mudo daqiiqado ah taa oo u dhexeysay ciidamo katirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Xarakada Raaskaambooni.

Ilowareedyo ku sugan Deegaanka Dhoobley oo ay HOL la xiriirtay ayaa inoo xaqiijiyay in isku dhacaasi uu yimid kagadaal markii ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay weerar ku qaadeen saldhig ku yaal Deegaanka Dhoobley oo ay maamulaan ururka Raaskaambooni iyagoo doonayay in ay soo furtaan rag ku xirnaa xabsigaasi taasina ay keentay in ay halkaasi kala kulmaan iska caabin.

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka waxaa dhacdadaasi ku geeriyooday hal askari oo katirsan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxaana islamarkiiba goobta gaaray odoyaal dhaqameedyo iyo saraakiil katirsan dowaladda KMG ah ee Soomaaliya kuwaa oo durbadiiba kala dhex galay dhinacyadii dagaalamayay.

Illaa iyo hada ma jiraan wax warar ah oo kasoo baxay xoogaga ururka Raaskaambooni iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku aadan israsaaseyntii xalay ka dhacday gudaha deeganka Dhoobley, haseyeeshee wararka aynu ka heleyno deegaankaasi ayaa sheegaya in ay kulan deg deg ah ay isugu yimaadeen saraakiisha ciidamada dowladda KMG iyo kuwa raaskaambooni ee ku sugan deegaanka Dhoobley.

Arintani ayaa imaneysa xilli nawaaxiga deegaanka Dhoobley ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan oo ay ka wadaan xarakad Alshabaab oo iyagu doonaya in ay deegaanka dhoobley gacantooda kusoo celiyaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya