Jimco, Ogoosto 12, 2011 (HOL) – Urur gargaar oo ay leeyihiin Yuhuudda ku nool dalka Canada ayaa sheegay inay gacan ka geysanayaan caawinta dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku dhufteen.
Ururka oo lagu magacaabo ISRAID oo kaashanaya urur kale oo lagu magacaabo UIA oo ka jira dalka Canada ayaa sheegay inay raashin iyo biyo ku taageerayaan dadka ku dhibaateysan dalalka Bariga Afrika gaar ahaan Qoxootiga Soomaalida ah ee u tallaabay xuduudaha dalalka Kenya iyo Itoobiya.
ISRAID ayaa sheegay inay kala hadlayaan sidii gargaarkaas lagu gaarsiin lahaa dadka u baahan Qarammada Midoobay iyo saraakiisha dowladda KMG ah ee Soomaaliya. Waxay intaas ku dareen inay hormarin doonaan gargaarka cunno.
Qarammada Midoobay ayaa sheegtay bishii hore in gobollo Soomaaliya ka tirsan ay ka dilaacday macluul, sidoo kalena sheegtay inay sare u sii kacayaan dadka gargaarka u baahan.
Abaaraha ka taagan Soomaaliya ayaa loo aaneeyaa qiimaha cunnada oo sare u kacay, dagaallada joogtada noqday. Iyadoo la sheegay in 11 milyan oo qof oo ku nool dalalka bariga Afrika ay u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo oo deg-deg ah, iyadoo la sheegay in 2,000 oo qof oo Soomaali ah ay maalin walba tagaan xeryaha qoxootiga ee Kenya iyagoo gargaar doon ah.
Ururka ay leeyihiin Yuhuudda ku nool Canada ayaa waxay sheegeen inay 4,000 oo guri ka dhisayaan xeryaha qoxootiga ee Kenya, iyagoo sheegay in gargaarka guud ee ay ku caawinayaan Soomaalida uu gaarayo 25,000 oo doollar.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya