Jimco, Ogoosto 12, 2011 (HOL) – Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Max'ud Raage (Sheekh Cali dheere) ayaa sheegay in dagaallada ay ka billaabeen Muqdisho ay yihiin kuwii lagu jabiyay ciidamo badan oo la geeyay dalalka Afgaanistaan iyo Ciraaq, isagoo sheegay inay rajeynayaan in sidaasoo kale ay guulo ka gaaraan.
Sheekh Cali Dheere oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay haatan ku sugan yihiin meel walba oo Muqdisho ka tirsan, wuxuuna beeniyay inay si guud uga baxeen magaalada Muqdisho.
"Weli waxaan ku sugannahay gudaha magaalada Muqdisho, waxaaan shacabka uga digaynaa inay ku kadsoomaan wararka ay baahinayaan warbaahinta gaalada ee ah in Xarrakatul Shabaab ay ka baxday Muqdisho oo dhan," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Afhayeenku Xarrakatul Shabaab ayaa Sabtidii toddobaadkan si lama filaan ah u sheegay inay Muqdisho uga baxeen xeelad dagaal, isagoo isla xilligaas sheegay inay ku laaban doonaan caasimadda Soomaaliya.
"Dagaalladii ka dhacay Muqdisho toddobaadkan waxaan ku dilnay in ka badan 50-askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwaasoo maydadkooda laga daad-gureynayay garoonka diyaaradaha Xamar," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sheekhu wuxuu ugu baaqay dhallinyarada iyo odayaasha xoogga leh inay dagaallada ka qaybgalaan, isagoo sheegay in xilligii ay dagaallada ka qaybgeli lahaayeen la joogo, wuxuuna sheegay in dagaallada socda lagu guuleysan doono.
Xarrakada Al-shabaab ayaa labadii sano ee ugu dambeeyay ka wadday Muqdisho dagaallo qorshahoodu ahaa inay ku afgambiso DKMG ah oo gacan ka helaysa AMISOM, balse ugu dambeyn ay toddobaadkan ku baaqeen inay bedeleen dagaalkii Muqdisho.
Degmooyink ay Al-shabaab horay ugu sugnayd ayaa waxaa haatan ku sugan ciidanka DKMG ah iyo kuwa AMISOM, kuwaasoo wada isballaarin, inkastoo ay goobaha qaar ay kala kulmayaan iska-caabin kaga imaanaysa Xarrakatul Shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya