5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2010
Xarakada Al-Shabaab oo guulo ka sheegatay dagaal maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Galguduud

Axad 21, Feb 2010 (HOL) Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta guulo ka sheegatay dagaal ay deegaanno ka tirsan Gobolka Galguduud kula gashay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

 

Saraakiil u Xarrakatul Shabaab ayaa sheegay in dagaalkaas ay iyagu qaadeen, kaddib markii ay ogaadeen in ciidamo dowladda Soomaaliya ka ammar qaata oo halkaas lagu diyaariyay ay weerar ku yihiin saldhigyadooda gobolkaas.

 

Mas'uuliyiinta u hadlay Xarrakatul Shabaab oo aan magacyadooda sheegin ayaa u sheegay warbaahinta in dagaalkaas ay ku dileen labo askari oo ka tirsan ciidamadii ay weerarka ku qaadeen ee dowladda, iyagoo aan sheegin khasaare dhankooda ah.

 

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Gal-hareeri ee Gobolka Galguduud, kuwaasoo lagu kala magacaabo Ris iyo Cago-Cadde waa sida ay sheegeen saraakiisha u hadlay Xarrakatul Shabaab.

 

Xukuumadda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dagaalkaas ay guulaha ka sheegatay xarrakatul Shabaab, sidoo kalena ma jiraan warar madax bannaan oo dagaalkaas ka hadlay, kaasoo dhacay barqonimadii maanta.

 

Waa dagaalkii ugu horreeyay oo Xarrakatul Shabaab ciidamo taabacsan iyo kuwa Dowladda ku dhexmara gobolka Galguduud, iyadoo horay gobolkaas ay dagaallo ugu dhexmari jireen Ahlusunna Waljamaaca oo dhinac ah iyo Xarrakada Al-shabaab iyo  Xisbul Islaam oo isgarabsanaya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya