XILDHIBAANAD XAAWO C/LLAAHI: "Waxaan ururinaynaa lacago si aan qayb uga qaadanno sii daynta lamaanayaasha u dhashay dalka Britain"

Axad 21, Feb 2010 (HOL) Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo ah guddoomiyaha guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay wadaan qorshayaal ay ku ururinayaan lacago ay ku furtaan lamaanaha u dhashay dalka Ingiriiska ee lagu haysto Soomaaliya.

 

Xildhibaanaddu waxay sheegtay in xubnaha baarlamaanka iyo ganacsatada ay ka ururin doonaan todobaadka soo socda lacago qayb looga qaato sii daynta labadan qof oo ay sheegtay inay xaaladdooda caafimaad aad u liidato.

 

"Waxaan iska ururinaynaa haddii aan nahay mudanayaasha Baarlamaanka lacag, haddii ay nagu fillaan waydo waxaan lacago kale ka ururin doonaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka ku sugan" ayay tiri Xildhibaannada.

 

Lamaanayaasha u dhashay dalka Ingiriiska ee lagu hayso dalka Soomaaliya ayaa waxaa la afduubtay sannadkii hore iyagoo dalxiis ku maraya Badweynta Hindiya, waxaana kooxaha haysta ay dalbadeen madaxfurasho lacageed oo fara badan.

 

Xildhibaannadu waxay ugu baaqday Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalalka dibadda ku nool inay qayb ka qaataan sii daynta labadan qof, iyagoo kaalin ka qaadanaya dhaqaalaha loo ururinayo si lagu sii daayo.

 

Soomaalida ku nool dalka Ingiriiska ayaa dhawaan ka dalbaday kooxaha gacanta ku haya labadan qof inay sii daayaan, kaddib markii ay isugu soo baxeen xaafad ka tirsan Magaalada London.

 

Wasiirka Jaaliyadaha Soomaaliya C/llaahi Azhari ayaa isaguna shalay ka sheegay Muqdisho in dowladdu ay gacan ka geysanayso sii daynta labadan qof, isagoo ka codsaday kooxaha afduubka ku haystay inay si aan shuruudi ku xirnayn kusii daayaan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya