Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xaflad casho ah u sameeyay Suxufiyadda Amanda Lindhout oo muddo ku afduubnayd Soomaaliya

Axad, 20, Feb 2010 (HOL) Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa xalay casho-sharaf u sameeyay Wariye Amanda Lindhout oo ah gabar wariye ah oo u dhalatay dalka Canada muddo sannad ka badanna ku afduubnayd gudaha dalka Soomaaliya.

Amanda ayaa markii ugu horreysay la hadashay dadka Soomaalida ah ee dalkaas ku nool, waxayna suxufiyaddan sheegtay in la qabsaday iyadoo doonaysa inay daaha ka rogto xaaladaha bani'aadamnimo ee Soomaaliya ayna ku rajoweyn tahay inay howshan mar uun qabato.

Suxufiyaddan, Wariye u dhashay dalka Ausutralia oo lagu magacaabo Nigel Brennan iyo Suxufi Somali ah oo lagu magacaabo C/fitaax Max'ed Cilmi ayaa lagu afduubtay duleedka Muqdisho 23-kii Ogoosto 2008, xili ay doonayeen inay tagaan xeryaha qoxootiga ee duleedka Muqdisho ku yaalla.

Lindhout ayaa si kooban uga hadashay wixii ay la kulantay intii ay gacanta ugu jirtay kooxihii afduubka ku haystay muddo ka badan hal sano, iyadoo ay u noqonayso markii ugu horreysay oo ay bulsho horteed ka hadasho tan iyo markii laga sii daayay afduubka.

Suxufiyadan iyo wariyihii la afduubnaa ayaa waxaa la sii daayay bishii November ee sannadkii aan kasoo gudubnay, iyadoo laga qaatay lacag madax-furasho ah oo gaaraysa Nus-Malyuun Dollar, iyagoo ganta ugu jiray 146-maalmood kooxihii ay u afduubnaayeen.

Qoyska Amanda Lindhout ayaa aad ugu farxay casho sharafta ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kanada u sameeyeen gabadhooda, si ay ula kulmaan, kaddib markii laga soo daayay afduub muddo dheer loo haystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya