Dowladda Yemen oo shaacisay inay xirtay xeebaha dalkeeda si ay uga hortagto qulqulka qoxootiga ka tagaya Soomaaliya

Axad, 20, Feb 2010 (HOL) Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dalka Yemen ayaa sheegtay inay xirtay xeebaha dalkeeda si ay uga hortagto qulqulka qoxootiga Soomaalida ah ee dalkooda ku qulqulaya.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Yemen ayaa lagu sheegay in tallaabadan looga hortagayo in dalkooda ay galaan qaar ka mid ah xoogaga Xarrakatul Shabaab oo horay u sheegay inay dalkaas u dirayaan ciidamo.

"Ciidamada amaanka xeebaha waxaa la siiyay amar ah inay ka hortagaan in qoxooti ka yimid Soomaaliya ay dalka soo galaan" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Yemen.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in qoxootiga Soomaalida ah ee ku sugan dalkeeda ku sugan inay taageerayso oo aan waxba laga badalay, balse uu sii jirayo amarkii ahaa inaysan ku dhex socdaalin dalkaas.

Dowladda Yemen waxay sheegtay inay cabsi weyn ka qabto in qoxootiga cusub ee ka imaanaya Soomaaliya ay ku jiri karaan kooxo taageersan Xarrakatul Shabaab oo ay sheegeen inay xiriir dhow la leedahay Ururka Al-Qaacida.

Ma'suul sare oo ka tirsan Xarrakatul Shabaab ayaa ka sheegay Muqdisho bilowgii sannadkan inay dagaalyahano u diri doonaan dalka Yemen, si ay uga barbar dagaalamaan xoogaga shiicada ah ee waqooyiga dalkaas ka dagaalama.

Xukuumada Yemen aya sanadkii hore qaabishay qoxooti ka badan 78,000-qof oo ku galay dalkaas safaro adag oo dhinaca badd ah; iyadoo hay'adda UNHCR ay iyaduna sheegtay inay qooxootinimo u qaabishay 171,000-qof, ayna jiraan dad badan oo aan weli isdiiwaangelin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya