Dagaal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Axad, 20, Feb 2010 (HOL) Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacmay dagaal xalay ku dhexmaray Muqdisho ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo kooxaha kasoo horjeeda.

Dagaalkan oo ka dhacay jidka warshadaha ayaa afarta qof ee ku dhaawacmay waxay ahayeen rayid ay guryahooda kula dhaceen madaafiicda ay labada dhinac isdhaafsanayeen.

Iska horimaadka ayaa ka dhashay markii xoogagga hubeysan ee ka horjeeda Dowladda iyo AMISOM ayaa weerar ku qaaday Kulliyadda Jaalle Siyaad iyo Warshadii Kabka oo ay daggan yihiin ciidamada  Dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in tiro madaafiic ay ku dhaceen deegaano ay ku sugan yihiin dad horay uga barakacay Muqdisho, kuwaasoo geystay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalka.

Khasaare intaas ka badan ayaan la ogeyn, iyadoo xiliga uu dagaalku dhacayna ay ahayd habeen, sidoo kale lama oga khasaaraha kala gaaray labadii dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyay, kamana aysan hadlin saraakiishooda.

Xaaladda jidka warshadaha oo ay isticmaalaan gaadiidka isaga goosha Ceelasha biyaha iyo Suuqa Bakaaraha ayaa saaka caadi ah, iyadoo gaadiidka iyo dadku ay si nabad ah ku marayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya