Maamulka Degmada Boosaaso oo lagu eedeeyay in uu gadanayo dhul ay dagan yihiin dad ka soo barakacay Koonfurta Soomaaliya

Axad, 20, Feb 2010 (HOL  Qaar ka mid ah dadka soo barakacay ee ku nool xeryaha qaxootiyada  magaalada Bosaso ayaa cabasho xooggan ka muujiyay dhibaatooyin soo foodsaaray oo ku aadan in laga rarayo xeryihii ay ka  daganaayeen ee magaalada Bosaso.

 

Waxa ay sheegeen in hadii laga raro guryahooda aysan haysan meel kale oo ay u guuraan ,Waxaana ay ka codsadeen hayadaha samafalka in laga so gaaro sida ugu dhaqsaha  badan  si loo daboolo baahidooda.

 

Guddoomiyaha Kaamka Tawakal ee magaalada Bosaaso oo ah Qof Dumar ah   ayaa ku eedeeysay  Maamulka degmada in ay hor boodayaan arinta ku aadan barakacinta dadkan oo badankood ka soo jeeda Koonfurta Somaliya .

 

Duqa degmada waxa uu inoo sheegay in aan u diyaar garawno bananayta goobaha aan daganahay ,Mana garanayno meel aan afka saarno " ayey tiri Kaaran Cali oo ah godoomisada Kaamkaasi.

 

Warar Hoose ayaa sheegaya in dhulka ay dagan yihiin dadka xerada   Tawakal laga dhiso doono Guryo nooca raaxada ah ,Maadaama uu kaamkaasi dacalka ku hayo Badda Bosaso,Waxaana loo sheegay Dadka Kaamkaasi in ay guuraan Maalmaha Socda,inkastoo lagu qanciyo in la siinayo meel ay dagaan.

 

Duqa  degmada Bosaso C/risaaq Xareed Ismaacil oo wax laga waydiiyay  warka sheegaya in Maamulka uu gadanayo dhulkaasi oo horay u ahaa mid ay daganayeen dad ka soo barakacay Koonfurta Somaliya ayaa sheegay in arimahaasi aysan waxba kajirin  ,Isagoo  tilmaamay in ay dadka xerada Tawakal   qarka  u saaranyihiin daadad ku soo rogmada hadii uu roob da,o.

 

Ugu danbayntii dadka soo barakacay ayaa dalbanaya in ay daganaadaan dhulka oo ay sii dheer tahay kiro laga qaado,Waxaana ay Maamulka ka codsadaeen in loo turo maadaama ay marti u yihiin shacabka Puntland

 

Faisel Maxamed Hassan (Boston),Hiiraan Online

[email protected]

Boosaaso, Soomaaliya