Axad 21, Feb 2010 (HOL) Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam Sheekh Max'ed Macallin Cali oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin inay ka meermeerayaan in la dhameeyo khilaafka kala dhexeeya ee sababay dagaalladii ka dhacay Jubbooyinka.
Sheekh Max'ed Macallin wuxuu sheegay inay iyagu weerareen degmada Dhoobley oo ay gacanta ku hayeen Xarrakatul Shabaab, ayna isaga baxeen maalintii Jimcaha ahayd iyadoo aanay wax dagaallo ah dhicin.
"Mujaahidiinta Xisbul Islaam ayaa weeraray degmada Dhoobley lana wareegay, waxaana tacsi u diraynaa dadkii ku rayidka ahaa ee ku geeriyooday, si iskeen ah ayaana uga baxnay" ayuu yiri Sheekh Max'ed Macallin Cali.
Ka-bixitaankii ururkooda ee degmada Dhoobley oo ku dhow xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayuu ku sheegay inay ahayd mid xeelad dagaal ah, wax dhib ah oo loogu geystayna aysan jirin.
"Walaalaha Shabaabku waxay Xagal-daacinayaan in la dhameeyo khilaafka kala dhexeeya Xisbul Islaam kaasoo sababay dagaalladii ka dhacay Gobollada Jubbooyinka, balse innagu diyaar ayaan u nahay in heshiis laga gaaro khilaafkaas" ayuu yiri Madaxa warfaafinta ee Ururka Xisbul Islaam.
Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab ayaa waxay dagaallo dhiig badan ku daatay ku dhexmareen gobollada Jubbooyinka kuwaasoo salka ku haya cidda maamulaysa labadan gobol oo ah kuwo muhiim ah xagga dhaqaalaha.
Dhanka kale, Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam wuxuu sheegay in hadallada kasoo baxaya Madaxweyne Sheekh Shariif ee ah inuu doonayo in si nabad ah uu ku dhammeeyo khilaafka Soomaaliya ay yihiin kuwo uu kaga doonayo beesha calaamka dhaqaale.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya