Axad 21, Feb 2010 (HOL) Laba wiil oo walaalo ah ayuu ku dilay baabuur laga soo dhacay degmada Afgooye oo ay gacanta ku hayaan Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam deegaanka Calamada oo ka mid ah deegaannada loo barokacay ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.
Baabuurkan ayaa jiiray labadan wiil oo dhallinyaro ah islana dhashay kaddib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan ururka Xisbul Islaam oo ka warhelay in gaariga laga soo dhacay degmada Afgooye.
Goobjoogayaal ku sugan deegaannada u dhexeeya Xaawo-Cabdi iyo Calamada ayaa sheegay in gaariga uu ku rogmaday agagaarka Calamada, iyadoo ay goobta isku gadaameen ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab, ayna baxsadeen kooxihii gaariga dhacay.
"Meesha uu gaarigu ku gadoomay waxaa laga helay qoryihii ay wateen dadkii dhaca geystay lama yaqaan halka ay aadeen, waxaana loo diiday dadka inay halkaas ku dhawaadaan" ayuu yiri Goobjooge magaciisa kusoo koobay Cali oo saxaafadda la uga warramay sida ay wax u dhaceen.
Baabuurka oo noociisu ahaa TOYOTA SURF ayaan la sheegin cidda laga soo dhacay waxaana saraakiisha kooxaha gacanta ku hayaa degmadaas ay ka gaabsadeen inay tafaasiil ka bixiyaan qaabka gaariga loo dhacay iyo cidda lahayd.
Ma ahan markii ugu horreysay oo goobaha ay gacanta ku hayaa xoogagga ka horjeeda Dowladda Soomaaliya dhac laga geysto, waxaase dhowr jeer oo hore dhac loo geystay shirkadaha Xawaaladaha ee ku yaalla deegaannada loo barakacay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya