Isniin, 19, April, 2010 (HOL) Guddoomiyaha Maamulka Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin ee Goballka Galgaduud oo lagu magacaabo Shiikh Yuusuf Ciise Kabo-kutukade ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsam Maamulka Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Ris oo hoostaga degmada Galhareer ee Goballka Galgaduud.
Waxaa uu sheegay Shiikh Yuusuf Kabo-kutukade Ciidamada ay weerarka ku qaadeen ahaayeen kuwo Dowladda Soomaaliya Dooma uga qaaday Magaalada Muqdisho kuwaa oo loogu talagalay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaallo Goballada Baratamaha Soomaaliya looga soo qaado Xoogagga Islaamiyiinta ah.
''Ciidamada Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab weerarka ay qaadeen waxaa ay ku dilleen in badan oo ka mid ah Ciidamadii halkaa ku sugnaa iyaga oo qaatay hub iyo saanada ay lahaayeen Ciidamada Dowladdii ay weerarka ku qaadeen, waana la fashiliyay ujeetadii ay halkaa u tageen ayuu yiri Shiikh Yuusuf Kabo-kutukade oo ah Guddoomiyaha Maamulka Al-shabaab ee Goballka Galgduud.
Marka laga soo tago hadalka ka soo yeeray Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ah in ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ku sugnaa bartamaha Soomaaliya ilaa hadda ma'jirro wax war ah oo ka soo baxaya dhinaca Saraakiisha Dowladda oo ku aadan sheegashada Al-shabaab.
Marka laga soo tago Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho Goballada Bartamaha Soomaaliya waxaa ay ahaayeen bilihii ugu danbeeyay meelaha ugu daran oo ay ka dhacaan dagaallada u dhaxeeya kooxaha isaga soo horjeeda Siyaasada Soomaaliya sida Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab, Xisbul Islaam, Ahlu Sunna Waljameeca, iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo mar marka qaar dhaq dhaaqyo Militari ka sameeya deegaanno ka tirsan Goballada Bartamaha Soomaaliya, waxaana xusid mudan in marka ay dagaalladaasi dhacaan dhamaan dhinacyada ku lugta leh markiiba guulo ka kala sheegtaan.
C/raxamaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaali
Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo sheegatay in weeraray ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Galhareere ee Goballka Galgaduud.
More News
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo maanta muddo kooban la wareegay gacan ku haynta Degmada Ceel-barde ee Gobolka Bakool
- Dowladda Soomaaliya oo qaar ka mid ah ciidamada Booliiska maanta tababar uga furtay Dugsiga Booliiska ee Muqdisho
- Ururka Human Rights Watch oo warbixin ay soo saartay ku cambaareysay Dowladda Soomaaliya iyo Kooxaha kasoo horjeeda
- Dhaqaatiirta Magaalada Kismaayo oo ka digtay Cudurro ka dhasha Biyaha wasaqeynsan ee Fadhiya gudaha magaalada kismaayo ee ka dashay roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay Magaalada Kismaayo
- Gadiidleyda ka howlgasha Goballka Hiiraan oo siweyn uga canbaneysa lacago uu ku soo rogay Maamulka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne.
- Koox Koonfur Afrikaan ah oo ganacsade Soomaali ah ku dilay kaddib markii ay ku weerareen dukaankiisa
- GUDDOOMIYAHA AHLUSUNNA: "Ahlusunna isma-khilaafsana Maamulkii aan Muqdisho u magcownayna waa mid aan ku xoojinayno Dowladda"
- Qaar ka Mid ah Isimada Gobolada Sool,Sanaag,iyo Cayn(SSC)oo Baaq Nabadeed u Diray Beello ku dagaalamay deegaanka Cagaarre.