GUDDOOMIYAHA AHLUSUNNA: "Ahlusunna isma-khilaafsana Maamulkii aan Muqdisho u magcownayna waa mid aan ku xoojinayno Dowladda"

Isniin, April 19, 2010 (HOL) Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Ururka Ahlusunna Waljamaaca Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in maamulkii ay shalay kaga dhawaaqeen Muqdisho uu yahay mid ay ugu talogaleen inay ku xoojiyaan Dowladda Soomaaliya.

Mas'uulkan wuxuu sheegay in iyagu ay u taagan yihiin sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u soo celinta ammaanka Muqdisho iyo Gobollada kale ee dalka, wuxuuna meesha ka saaray inuu jiro khilaaf u dhexeeya Alhusunna Waljamaaca.

"Khilaaf u dhexeeya Ahlusunna ma jiro, maamulka aan sameynayna waa mid aan ku xoojinayno Dowladda Soomaaliya, si ay ugu guuleysato hadafyadeeda ay ka midka yihiin inay gacanta ku dhigto dalka oo dhan" ayuu yiri Guddoomiyaha Ahlusunna.

Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow, wuxuu soo hadal qaaday xubno ka tirsan Ahlusunna oo ku sugan Muqdisho, kuwaasoo dhawaan sheegay in la kala qaybinayo Ururka, kuwaasoo uu ka mid yahay Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo horay guddoomiye ugu noqday Ahlusunna.
"Ujeedadeennu ma ahan inaan mansab ka helno dowladda, waxaan doonaynaa inaan qayb ka qaadano xasilinta dalka, balse ruuxii doonaya darajo, waxaan ugu baaqaynaa inuu noo yimaado si aan ugala hadalno hadafkiisa" ayuu yiri Xeefow.

"Sheekh C/qaadir Soomow kama mid ahana maamulka Ahlusunna, balse waa ruux ka tirsan dariiqada" ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiyaha Ahlusunna Waljamaaca oo dhawaan u tagay Muqdisho sidii ay wadahadal ula yeelan lahaayeen Dowladda.

Hadalka mas'uulkan ayaa imaanaya iyadoo baryahaan dambe ay jireen hadallo kala duwan oo kasoo baxaya xubno wadasheeganaya inay Ahlusunna hoggaan u yihiin, waxaana Muqdisho ka jira hadda Maamullo kala duwan oo Magaalada kawada taliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya