Isniin, April 19, 2010 (HOL) - Dhaqaatiirta magaalada kismaayo ayaa maanta ka digtay cuduro ka dhasha biyaha wasaqeysan ee ka dhashay roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose kuwaa oo fadhiya qaar katirsan wadooyinka dhex mara gudaha magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Dr. Mahdi oo kamid dhaqaatiirta magaalada kismaayo ayaa maanta waxa uu sheegay in biyaha wasaqeysan ee jiifa qaar kamid ah xaafadaha magaalda kismaayo ay sabaabi karaan cudurro kala duwan oo soo foodsaara bulshada ku dhaqan magaalada kismaayo oo ay ugu horeeyaan haweenka iyo caruurta.
Dhaqtarka ayaa ka digay cudurro ay sababi karaan biyaha wasaqeysan ee fadhiya xaafadaha magaalada kismaayo waxaana uu dhaqtarku sheegay in cudurrada ay sababi karaan biyaha wasaqeysani ay kamid yihihiin, Cudurka Duumada, Shubanbiyoodka iyo cudurro kale, kuwaa oo uu sheegay in dhamaantoodba ay ka dhashaan biyaha wasaqeysan.
Ugu danbeyntii dhaqaatiirta Magaalada kismaayo ayaa ugu baaqay Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada kismaayo iyo ganacsatada in ay iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa waxyeelada ay keeni karaan biayaha wasaqeysan ee fadhiya gudaha magaalada Kismaayo.
Sikastaba ha ahaatee Roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay magaalada kismaayo ayaa waxa ay biyo dhigeen inta badan wadooyinka mara magaalada kismaayo, iyadoona aad ku arkeyso qaar katirsan xaafadaha magaalada kismaayo biyaha roobka oo fadhiyo sidoo kalena waxaa xirmay qaar katirsan wadooyinka waaweyn ee ay isticmaalaan gaadiidka ka dhex shaqeeya gudaha magaalada Kismaayo.iyaha roobabka awgood.
wasaqeysan ee
--
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Dhaqaatiirta magaalada kismaayo ayaa maanta ka digtay cuduro ka dhasha biyaha wasaqeysan ee ka dhashay roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose kuwaa oo fadhiya qaar katirsan wadooyinka dhex mara gudaha magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.