Isniin, April 19, 2010 (HOL) Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saaray warbixin ka kooban 62-bog oo uu kaga hadlayo xaaladda dalka Soomaaliya, taasoo cambaareyn xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacaya dalka Soomaaliya.
Warbixintan oo loogu magacdaray "Dagaal Naxariis-darro ah, Nabad Naxariis-darro leh" ayaa lagu sheegay in Xadgudubyo ka dhan Xuquuqda Aadanaha ay Soomaaliya ka geystaan Xarrakatul Shabaab, Dowladda KMG ah iyo Ciidamada AMISOM.
Hay'adda ayaa waxay warbixinteeda ku sheegtay in Xarrakatul Shabaab ay ku guuleysteen inay Xasillooni ay ka dhaliyeen Gobollada ay gacanta ku hayaan ee Koonfurta Soomaaliy, taasoo ay ku dhaliyeen sida warbixinta lagu sheegay cadaadis ay ku hayaan dadka shacabka.
Dad ka badan 70-qof oo ay Human Rights Watch ka qaaday wareysiyo kala duwan ayay kaga hadleen sida uu ku yimid ammaanka ay Xarrkatul Shabaab ka dhalisay goobaha ay dalka gacanta uga hayso.
"Inkastoo ay Al-Shabaab ay xasilooni ka dhaliyeen deegaanno ay muddo dheer dagaalladu daashadeen, haddana waxay adeegsadeen caburin joogto ah iyo awood sheegad naxariis darro ah" ayay warbixinta ku sheegtay Agaasimaha qaybta Afrika ee Human Rights Watch Georgette Gagnon.
Human Rights Watch ayaa ku sheegtay warbixinteeda in Xarrakatul Shabaab ay ku qasbeen haweenka inay xirtaan Xijaab, haddii ay xiran waayaanna la ciqaabo ama la tumo, taasoo haween badan ay ka cabanayaan sida wabixinta lagu xusay.
"Waxaa la igu garacaay maxaad u xiran wayday Xijaab, waa la i karbaashay illaa aan la xanuunsado" ayay haweeney u sheegtay Human Rights Watch, iyadoo dabo dhigtay hadalkeeda "Xanuun badan ayaa dareemay... haddii aan qori haysan lahaa ninkaas waan dili lahaa".
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa iyagana lagu eedeeyay inay si naxariis darro ah u duqeeyaan goobaha ay shacabku ku sugan yihiin, iyagoo ku dilay Madaafiicda ay tuurayaan dad badan oo aan waxba galabsan.