Isniin, 19, April, 2010 (HOL) Ciidamada Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyn ayaa bilaabay in ay bartamaha Magaalada dhigtaan Baro-koontarool ay yeelaan Boorar lagu qoray Taakuleynta Tayactirka Bur burka ku dhacay wadada isku xirta Goballada Bartamaha Soomaaliya.
Milkilayaasha Gadiidka Xamuulka ah ee ka baxa Goballka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne ayaa cabasho ka keenay lacagaha ay soo rogeen Mas'uuliyiinta Maamulka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyn iyaga oo sheegay in lacagaha laga qaado gaadiidleydu yihiin kuwo ka bad badsi ah oo aysan awoodin, waxaana ay intaa ku dareen in Gadiidka qaar laga qaado lacag u dhaxeysa 500,000 llaa 1000, 000 oo Sh, So.ah.
Mid ka mid ah Milkiilayaasha Gadiidka Xamuulka ah ayaa u sheegay Warbaahinta in aysan dhab ahaan ka warqabin halka lagu baxsho lacagta laga qaado maadaama aysan u muuqan Tayactir rasmi ah oo lagu hayo wadada laamiga ah marta Goballka, waxaana uu Milkiilahaasi ka codsaday Maamulka Ururka Xisbul Islaam in ay ka daayaan Gadiidka lacagaha intaa la eg.
Waxaa kaloo ay Gadiidleydu sheegeen in ay looga baahan yahay Maamulka Ururka Xisbul Islaam in ay ka qaadaan Gadiidka wixii ay awoodaan maadaama lacagtu tahay mid taakuleyn ah loona baahneyn loo qabto tirro cayiman, laakiin Maamulka ayaa sheegay in cidii u hogaasami weyda amarka ka soo baxay laga qaadi doono Taalabo Shareecada waafaqsan.
Wadad isku xirta Goballada Bartamaha Soomaaliya ee dhaxmartay Goballka Hiiraan ayaa helin Sanadihii bur burka Tayactir la taaban karro, marka laga soo tago Tayactir Sanad ka hor Ganacsatada Magaalada Beledweyne ku sameeyeen meelaha qaar bur burka wadada iyaga oo gacan ka hellaya Jaaliyaddaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka dibadiisa.
C/raxaman Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya