Qaar ka Mid ah Isimada Gobolada Sool,Sanaag,iyo Cayn(SSC)oo Baaq Nabadeed u Diray Beello ku dagaalamay deegaanka Cagaarre.

Isniin, April 19, 2010 (HOL) Golaha Isimada SSC oo shir ku qabtay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa baaq nabadeed u diray Beelo kuwada dagaalay deegaanka caggaare oo ku yaala xadka u dhaxeeya Somaliya iyo Itoobiya

Odayaashii Shirka qabtay Waxaa ka mid ahaa Garaad Saleebaan Garaad Maxamed waxaana uu warbaahinta u sheegay in odayaasha SSC ay aad uga xunyihiin dagaalka u dhaxeeya labadasi beelood oo mudo socday.
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa kulanka ay odayaasha qabteen ku tilmaamay mid hoos u dhigi kara colaada labadaasi Beelooda ,isla markaana sheegay in ay rajaynayaan Dhamaynta Colaadaasi.

Waxaa Odayaashu beelaha dagaalamay ugu baaqayaan in dagaalka la soo gababa gabeeyo ,isla markaana laga heshiiyo xaaladaha jira "ayuu yiri Garaadka isaga oo ku sugan magaalada Garowe.

Garaad Saleban Garaad Maxamed ayaa soo hadal qaaday shirkii Tuulada Buuro uga socday Odayaasha SSC Waxaana uu sheegey in shirkaasi todobo cisho ka hor la soo gabagabeeyey lana go,aanshey in ka qeyb-galayaashii shirka u fasaxan yihiin ku noqoshada deegaanadii horey ay uga yimaadeen .

Sidoo kale Kulankii odayaasha Sool,Sanaag iyo Cayn ay ku yeesheen Magaalada Garowe waxa ay ku soo hadal qaadeen Magaalada Laascaanood oo ilaa iyo hada uu marankeeda taaganyahay,isla markaana Puntland ugu baaqay in la soo celiyo.

Qaar ka mid ah Odayaashii ka hadlay Shirkaasi ayaa sheegay in Mudulka Cagaare ee la isku haysto uu ka tirsan yahay Ethopia ,Isla markaana ku baaqay in la hirgaliyo Baaqooda Nabadeed.

Ugu danbayntii Odayaasha Sool ,Sanaag iyo Cayn ayaaa ugu baaqay shacabka In laga wada shaqeeyo Midnimada guud ee dalka si looga gudbo xaalado badan oo ka jira gudaha puntland gaar ahaa magaalooyinka waa wayn.

Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Soomaaliya