Isniin, April 19, 2010 (HOL) Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee Gobollada Bay iyo Bakool ayaa muddo kooban la wareegay gacan ku haynta Magaalada Ceel-barde ee Gobolka Bakool sida ay xaqiijiyeen dadka deegaankaas.
Degmada Ceelbarde oo ay gacanta ku hayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa xalay u suurogashay ciidamo ka tirsan Xarrakatul Shabaab inay saacado kooban haystaan degmada iyadoo aanay dhici wax dagaalo ah.
Saraakiil Xarrkatul Shabaab ka tirsan ayaa meel fargaare ah kula hadlay dadka degmada iyagoo aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas, waxayna dadka ugu baaqeen inay taageeraan maamulkooda ayna ka hortagaan midka Dowladda.
"Ciidamo ka tirsan Xarrakatul Shabaab ayaa soo galay degmada, waxaana saraakiil la socday ay la hadleen dadka iyagoo u sheegay inay isdajiyaan, kuna boorriyay inay iyaga taageeraan, waxayna ku baxeen si nabad ah" ayuu yiri goobjooge ku sugan degmadaas oo qariyay magaciisa.
Ma jiraan wax dagaallo ah oo ka dhacay degmadaas markii ay Xarrakatul Shabaab galeen iyo markii ay ka baxeen, iyadoo saraakiil u hadlay Xarrakada ay iyaguna sheegeen inay ku sugan yihiin meel aan ka fogeyn degmada, balse ma sheegin sababihii ay uga baxeen.
Maamulladii Dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugnaa ayaan ka hadlin dhacdadan iyadoo tani aysan noqonayn markii ugu horreysay oo Xarrakatul Shabaab ay tago deegaanno ku dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo maanta muddo kooban la wareegay gacan ku haynta Degmada Ceel-barde ee Gobolka Bakool
More News
- Dowladda Soomaaliya oo qaar ka mid ah ciidamada Booliiska maanta tababar uga furtay Dugsiga Booliiska ee Muqdisho
- Ururka Human Rights Watch oo warbixin ay soo saartay ku cambaareysay Dowladda Soomaaliya iyo Kooxaha kasoo horjeeda
- Dhaqaatiirta Magaalada Kismaayo oo ka digtay Cudurro ka dhasha Biyaha wasaqeynsan ee Fadhiya gudaha magaalada kismaayo ee ka dashay roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay Magaalada Kismaayo
- Gadiidleyda ka howlgasha Goballka Hiiraan oo siweyn uga canbaneysa lacago uu ku soo rogay Maamulka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne.
- Koox Koonfur Afrikaan ah oo ganacsade Soomaali ah ku dilay kaddib markii ay ku weerareen dukaankiisa
- GUDDOOMIYAHA AHLUSUNNA: "Ahlusunna isma-khilaafsana Maamulkii aan Muqdisho u magcownayna waa mid aan ku xoojinayno Dowladda"
- Qaar ka Mid ah Isimada Gobolada Sool,Sanaag,iyo Cayn(SSC)oo Baaq Nabadeed u Diray Beello ku dagaalamay deegaanka Cagaarre.
- Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo sheegatay in weeraray ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Galhareere ee Goballka Galgaduud.