Isniin, April 19, 2010 (HOL) Dabley Koonfur Afrikaan ah ayaa toogasho ku dilay ganacsade Soomaali ah, kaddib markii ay ku weerareen Jimcihii Dukaan uu ku lahaa Magaalada Kamesh ee dalkaas.
Ganacsatada la toogtay oo lagu magacaabo Jaamac Ismaaciil oo 30-jir ahaa ayay kooxaha hubeysan ugu galeen dukaankiisa waxayna ka toogteen laanta sida ay sheegtay gabar ka mid ahayd kuwii wax ka iibsanayay dukaanka.
"Kooxo hubeysan ayaa soo galay dukaanka 8:00-Fiidnimo ee habeenkii Jimcaha, waxay bilaabeen inay argagaxgeliyaan dadkii dukaanka wax ka iibsanayay iyo Dukaanlaha dhintay, waxayna hal xabbo kaga dhufteen Jaamac Xabadka" ayay tiri gabar kalyantiga ka mid ahayd.
Col. Priscilla Naidu oo ka tirsan booliiska dalka South Afrika ayaa sheegay in kooxaha weerarka geystay ay baxsadeen, balse ay ku raadjoogaan, isagoo sheegay inaysan jirin wax dhac ah oo ay u geysteen dukaanka.
Burcadda ayaa la sheegay inay ka si dhaqso leh uga baxeen dukaanka markii ay toogteen ganacsadaha Soomaaliga ah, waxaana tani ay qayb ka tahay ugaarsiga lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee dalka South Afrika ku ganacsada.
Inkastoo dilalka Soomaalida ay hoos uga dhaceen sidii hore, haddana waxaa jirta in kooxaha burcadda ah ay weli beegsadaan dukaamada ganacsatada Soomaalida ah ay ku leeyihiin dalkaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya