4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2010
Xaalada Goobtii ay ku dagaalameen Labada Beelood ee Deegaanka Bacaadwayn oo Maanta Degan iyo Cabsi Dagaal oo Halkaasi Laga Dareemayo.

Khamiis, April 01, 2010 (HOL)-  Odayaasha Deegaanka  Bacaadwayn oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa sheegay in uu qaboobay dagaal halkaasi ku dhex maray labo Beelood oo walaalo ah.

Waxaa la sheegay in dajinta xaalada ay ka qayb galeen qaar ka mid ah Odayaasha degaanka ,kuwaasi oo qaarkood kasoo kala jeeda labada dhinac ee dagaalamay.

Dadka deegaanka Bacaadwayn ayaa tilmaamay in saakay aroortii hore ay bilaaabatay aruurinta Maydadkii ay iska kala  dileen labada Beel oo wada dega Bacaadwayn,Waxaana la tilmaamay in xaaladu ay yara dagantahay.

Dagaalki shalay dhexmaray labada beel oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 21 ruux ,iyadoo ay ku dhawacmeen tiro intaasi ka badan.

Goobta uu dagaalku ka dhacay ayaa laga dareemayaa cabsi badan oo ku aadan in  mar kale uu halkaasi dagaal ka qarxo ,kaasi oo sababi kara khasaare hore  leh  oo ay dad ku geeriyoodaan,

Dhawaan magaalada Galkacyo waxaa ka ambabaxay Nabadoono ka soo jeed Koonfurta oo  u yimi in ay xaliyaan dirirtan oo  dhowr jeer  oo hore soo noqnoqotay,Waxaana qaar ka mid ah Nabadoonadaasi oo warbaahinta Mudug ay la xiriirtay ay sheegeen in dad wax magarto ah ay dagaalka soo cusboonaysiiyeen.

Beelaha uu dagaalku u dhexeeyo ayaa waxay kala yihiin  Qubeys/Dir iyo Saleebaan/Habar-gidir,Waxaana la rajaynayaa in lagu guulaysto xalinta dagaalkii dhex maray oo ahaa Mid khasaare badan Gaystay.


Faisel Maxamed Hassan,(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somaliya