Khamiis, April 01, 2010 (HOL) - Tababarka ay ka qaybgaleen 40-qof oo isugu jira Saxafiyiin, Ururrada Bulshada Rayidka, Haween iyo Aqoonayahanno kale oo ay soo agaasintay Hay'adda Center for Democracy and Human Rights (CDHR) socdayna saddex maalmood ayaa maanta lagu soo gabgabeeyay Muqdisho.
Siminnaarkan ayaa waxaa casharro ka baixinayay Prof. Xirsi Xaaji Culusow, Prof. Axmed Xayle iyadoo uu maamulayay C/llaahi Siyaasi ayna fududeynaysay howsha Basro Xuseen Daa'uud, waxaana tababarkan lagu baranayay (Basic Approach of Transitional Justice).
Ka qaybgalayaasha tababarka ayaa waxay saddexdii maalmood ee uu socday ay isku dhaafsadeen halkaas fikradahooda ku aaddan Cadaaladda iyadoo ardaydu ay si aad ah isku dhaafsadeen fikradahooda.
Macallimiinta ayaa waxay soo bandhigeen sida ugu habboone ee lagu gaari karo Cadaaladda hufan oo ku saleysan diinta Islaamka, waxaana intii uu tababarka socday ka faa'iideystay dadkii lagu casuumay.
"Tababarku wuxuu ahaa mid aan ka faa'iidnaysa sida ugu habboon ee horumar loogu sameyn karo cadaaladda, runtiina wuxuu ahaa mid aad aan uga faa'iideysanay" ayuu yiri ka qaybgale ka mid ahaa dadkii halkaas fadhiyay.
Haweenkii tababarka ka qaybgalaya ayaa waxay iyaguna soo dhaweeyeen tababarka iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid ay aad uga faa'iideysatay, isla markaana ay ka kororsantay aqoon aanay horay u lahayn.
Siminnaarkan ayaa lagu qabtay Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho iyadoo tababarkan uu qayb ka yahay tababarro dhowr ah oo ay bixisay CDHR, oo inta badan isku mashquulisa inay aqoonta dadka kordhiso.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya