Khamiis, 1, Apri, 2010 (HOL) Waxaa saakay xaalad degnaasho laga soo sheegayaan deegaannada Bacaadweyn iyo Camaara oo ka wada tirsan Goballka Mudug halkaa oo maalintii shalay dagaal culus oo ku dhaxmaray Maleeshiyada Beello in muddo ah halkaa ku dagaallamayay.
Dagaallka oo dhacay xili halkaa ay ku sugnaayeen Guddi Dowladda Soomaaliya u saartay waan waan laga dhax bilaabo labada Beellood ayaa tarida dadka ku geeriyooday waxaa ay hadda mareysaa ku dhawaad 29 ruux, halka intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.
Wararka laga hellayo Isbitaalada Degmooyinka Xaradheere iyo Cadaado ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay la dhigay qaar ka mid ah dhaawaca Maleeshiyada dagaallku dhaxmaray, waxaana ay wararku intaa ku darayaan in dhaawacyada qaarkood yihiin kuwo halis ah oo ay adag taay in ay wax ka qabtaan dhaqaatiirta ku sugan Isbitaalada la dhigay.
Sidoo kale waxaa jirra baaqyo wali loo jeedinayo dhinacyada ku dagaallamaya deegaannada Camaara iyo Bacaadweyn kuwaa oo ka kala imanaya qeybaha Bulshada, iyo Xildhibaannada Dowladda Soomaaliya oo sheegay in dagaallkaasi yihiin kuwo aan wax micno ah ku fadhiyin loo baahan yahay in Waxgaradka Beelluhu caqliga ka shaqeysiiyaan si nabad loo gaarro.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Xaalada deegaannada Bacadweyn iyo Camaara ee Goballka Mudug oo saakay degan iyo Khasaarihii ka dhashay dagaalka oo sii kordhaya..
More News
- Tababar lagu baranayay Cadaaladda oo maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho (DAAWO SAWIRRO)
- Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta ka hadlay sababihii keenay inay xiraan Shirkado Isgaarsiineed oo ku yaalla degmada Xamarweyne
- RA'IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA: "Awood ciidan oo keliya laguma jabin karno kooxaha dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda"
- Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo maanta shaaciyay in fadhiyada baarlamaanku ay dib u furmi doonaan todobaadka soo socda
- Xarrun lagu xanaaneeyo dadka maskadoodu dhiman tahay oo markii ugu horeysay laga hergaliyay Goballka Hiiraan.
- Madaxweyne Sheekh shariif Sheekh Axmed oo kala hadlay Madaxda Itoobiya sidii ay xukuumaddiisa gacan u siin lahayd
- Burcadbadeedda haysta Doomaha Ganacsiga oo sheegay inay tallaabadaas u qaadeen dagaal ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya
- Xaalada Goobtii ay ku dagaalameen Labada Beelood ee Deegaanka Bacaadwayn oo Maanta Degan iyo Cabsi Dagaal oo Halkaasi Laga Dareemayo.