Khamiis, April 01, 2010 (HOL) - Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka warbixiyay sababihii ay u xireen shirkado Isgaarsiineed oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.
Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay xarunta Gobolka Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Baanadir C/kaafi Hilowle Cismaan ayaa wuxuu sharraxaad kaga bixiyay sababta keenta inay xiraan shirkadaha isagoo ku sheegay inay tahay sababo la xiriira canshuuraha oo ay bixin waayeen.
"Dhowr jeer ayaan qoraallo u geynay, kuwaaso aan kaga codsanaynay inay bixiyaan canshuurta Dowladda hoose, balse dhegaha ayay ka fureysteen, taas ayaana keentay inaan xirno" ayuu yiri C/kaafi oo intaas ku daray:
"Haddii shirkadaha uu wiil yar oo Al-shabaab ah yiraahdo dhiiba lacag intaas le'eg, muddo gaaban gudahood ayay ku dhiibayaan, waxaan tuseynay in dowladdu ay awood u leedahay inay taallaabo ka qaaddo haddii ay amarkeeda diidaan".
Xoghaha guud ee Gobolka Banaadir wuxuu sheegay inaysan hadda jirin shirkad u xiran iyaga, balse ay ka doonayaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku bixiyaan lacagta canshuuraadka ah.
"Ma ahan shirkadaha Isgaarsiinta oo keliya kuwa aan doonayno inay lacagaha canshuuraadka ah bixiyaan, waa dhammaan shirkadaha iyo goobaha ganacsiga, si wax loogu qabto Gobolka" ayuu yiri C/kaafi.
Waa markii ugu horreysay oo maanta cusub ee Gobolka Banaadir uu qaado mid la mid ah tallaabada uu qaaday, taasoo uu ku sheegay inuu si khasab ah lacagta uga qaadayo shirkadaha iyo ganacsatada ka dhego adayga amarradooda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya