Xarrun lagu xanaaneeyo dadka maskadoodu dhiman tahay oo markii ugu horeysay laga hergaliyay Goballka Hiiraan.

Khamiis, 1, 4, 2010 (HOL) Magaalada Beledweyn ee xarunta ah Goballka Hiiraan waxaa ay ka mid tahay Magaalooyinka Soomaalida ee sida weyn loogu dhax arko dadka Dhibirka wax uga dhiman yihiin ama Waalin kuwaa oo isugu jirra qeybaha Bulshadu ka kooban tahay, kuwaa oo inta badan dhibaatooyin kala duwan kala kulma dadka ay la nool yihiin ama xitaa iyaga mar marka qaar bulshadu dhibaato ku qabto.

Hadaba iyada oo taa laga duulayo ayaa markii ugu horeysay waxaa Magaalada Beledweyn laga hergaliyay Xarrun lagu xanaaneeyo dadka noocaa ah ee Maskaxda looga jirro, kadib markii ay arrintaa u kaceen Dhaliyarro iskood isku abaabushay.

Waxaa xarruntaa oo lagu magacaabo (Xarunta Daryeellka Dadka Maxkaxda looga jirro ) hadda ku jirra oo ay HOL ku booqatay qaar ka mid ah dadka qaba xanuunka dhinaca Maskaxda oo siweyn looga yaqaano gudaha Magaalada.

Intooda badan waa dhaliyarro dhibaateysan oo jirrkooda laga dareemayo sameyta uu ku reebay xanuunka dhinaca Maskaxda ah ee la soo darsay, waana ay adag tahay in dadka noocaa ah ay si toos ah uga jawaabaan Su'aasha aad weydiiso adiga oo kala kulmi kara mar walba jawaab ka duwan tii aad ka fileysan in ay ka timaado.

Guddoomiyaha Xarunta oo lagu magacaabo Macsuub ayaa u sheegay HOL in aas aaska Xarruntan aheyd mid ku timid dareen iyo damqasho la xiriirta dhibaatada heysta dadkaa iyaga ah, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay dil Ciidamadii Itoobiyaanku u geysteen mid ka mid ah dadka dhibirka looga jirro oo caan ka ahaa Magaalada Beledweyne halka sidoo kale, halka sidoo kale garab ka mid ah kooxaha marar badan ku dagaallamay magaalada toogasho ku dileen Nin dhaliyarro ah oo ka mid ah dadka Maskaxdoodu dhiban tahay.

Xarruntan cusub ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay inta badan Bulshada ku dhaqan Magaalada Beledweyn oo u arkay in ay tahay xarunta loo baahnaa in mar hore laga hergaliyo Goballka, waxaana ay dadku balan qaadeen in ay is bar bar taagi doonaan socodsiinta howlaha xarrunta cusub.
Hadii aad dooneyso in ay gacan siiso Xarunta cusub la xiriir Tell:- 2525-5507564 ama Email:- [email protected]

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]