Burcadbadeedda haysta Doomaha Ganacsiga oo sheegay inay tallaabadaas u qaadeen dagaal ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya

Khamiis, April 01, 2010 (HOL) — Mid ka mid ah burcadbadeedda haysta 9-doon oo ganacsi u waday Muqdisho iyo Kismaayo ayaa sheegay in tallaabadaas ay u qaadeen dagaal ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya, isagoo xusay inay diidan yihiin canshuurta ay ganacsatadu ku bixiyaan Dekedda Muqdisho.
Afhayeenkan oo isku magacaabay Khaliif Cismaan oo wareysi siiyay Idaacadda HornAfrik xarunteeda Muqdsiho ayaa sheegay inay haysanayaan doomaha inta ay ganacsatadu ka xaqiijinayaan inaysan bixinayn canshuur.

"Waxaan uga horjeednaa Afduubka in ganacsatadu ay cashuur siiyaan Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM, waana dagaal nooc kale ah oo aan uga horjeedno Xukuumadda Sheekh Shariif" ayuu yiri afhayeenka hadlay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in cid walba oo ka horjeedda Dowladda Soomaaliya ay taageerayaan oo ay xiriir la sameysanayaan, wuxuuna ku tilmaamay xukuumadda inay tahay mid u adeegaysa cadowga Soomaaliyeed.
"Go'aankeennu waa inaan cunnoqabteyn ku soo rogno dekedaha Muqdisho iyo Mombassa, si aysan lacag u helin labada xukuumadooda, siimana daynayno inta ay joogsnayso canshuuraha ay ka qaadaan ganacsatada" ayuu yiri Khaliif.

Ma sheegin ruuxan hadlayay halka uu dalka kaga sugan yahay, waxaana sidoo kale ka hadlay hadalkii maalin ka hor kasoo yeeray Sheekh Xasan Daahir Aweys isagoo sheegay inuu hadalkaas yahay mid aysan iyaga shuqul ku lahayn.

"Waan dhageystay hadalka Sheekh Xasan Daahir isaga ayaana laga doonayaa inuu fuliyo, innagu go'aankeennu waa inaan haysanno doomaha inta ay ka xaqiiqoobayso inaanay ganacsatadu diibin wax canshuuraad ah" ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Burcadbadeedda.

Afhayeen kale oo u hadlay Burcadbadeedda oo saxaafadda shir jaraa'id ugu qabtay taleefoonnada ayaa sheegay in kooxaha haysta doomaha ganacsiga aysan iyaga ka tirsanayn isla markaana aysan aqoonin.
Afhayeenkan kale oo lagu magacaabo Cali Ganey ayaa sheegay inay xoog kusoo furan doonaan doomahaas ganacsi, ayna aad uga xun yihiin afduubkaas, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay soo dhaweynayaan hadalkii Sheekh Xasan Daahir ee ahaa in lagu sii daayo doomahaas 48-saac gudahood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya